Quantcast
Channel: Barnaamijyo – RBC Radio
Viewing all 7988 articles
Browse latest View live

Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Soomaaliya oo xukuumadda federaalka ugu baaqay iney wax ka bedesho qaabka ay u wajahayso la dagaalanka alshabaab

$
0
0

cabdi samadMuqdisho(RBC Radio) Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay iney wax badan ka bedesho sida ay u wajjahayso dagaalka ay kula jirto alshabaab,wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud ayaa ugu baaqay xukuumadda federaalka Soomaaliya ee xiligan jirta iney wax badan ka bedesho hannaanka ay uga hortageyso weerarada qorsheysan ee alshabaab ay dalka ka wadaan.

C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in hadii aysan xukuumaddu si deg deg ah wax uga bedelin qaabka ay u wajahayso weerarada ka imaanaya alshabaab in arintaas ay ka dhalan doonto nitad jab weyn oo ku yimaadda shacabka Soomaaliyeed oo marti u noqday dhibaato dabo-dheeraatay.

Wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo amniga qaranka dowladii kumeelgaarka ahayd ayaa hoosta ka xariiqay iney la gudbooneed xukuumadda hadda jirta iney bedesho qaabka ay ula dagaalamayso alshabaab isla markaane uga hortageyso dhibaatada ay maleegayaan maadaama alshabaab qudhoodu ay bedeleen qaabkii dagaal ee markii hore ay dowladda kula jireen.

Wuxuuna ugu baaqay xukuumadda laamaheeda amniga iney miiska soo saaraan qorshe wax ku ool ah oo lagu xaqiijin karo amniga dalka gaar ahaan nabadgalyada magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo maalmahan danbe faraha kasii baxayey.

Dhaliilaha dhanka amniga ah ee ka dhanka ah xukuumadda uu hogaaminayo R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa soo kordhaya xilli ay xukuumaddu dadaal ugu jirto sidii ay u hanan lahayd amniga caasimadda Muqdisho oo fariisin u ah hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Beledweyne oo laga baadi goobayo dadkii ka danbeeyey dilkii afhayeenkii odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan

$
0
0

beledweyn allahayowBeledweyne(RBC) Beledweyne ayaa waxaa saaka laga baadi doonayaa kooxihii xalay Maqribkii magaaladaasi ku dilay afhayeenkii odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan,ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM ayaa baaritaano ka wada magaalada Beledweyne.

Qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Hiiraan iyo odayaasha dhaqanka gobolkaas ayaa si kulul u cambaareeyey  dilkii shalay magaalada Beledweyne loogu geystay afhayeenkii odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo ay xaafadda H/wadaag ee magaaladaas ay ku toogteen koox hubaysan oo aan haybtooda la aqoon.

Shacabka  ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya iney caddaaladda horkeento kooxihii ka danbeeyey dilka afhayeenkii odayaasha dhaqanka,ciidamada ayaa shalay markii uu dilku dhacay waxa ay sameeyeen baaritaano ay ku baadi doonayaan dadkii masuulka ka ahaa dilka afhayeenkii odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.

Taliyaha saldhiga booliska magaalada beledweyne Col. Cali Dhuux Cabdi Mahad Alla ayaa sheegay iney dad badan usoo qabqabteen dilka afhayeenkii dhaqanka Hiiraan,wuxuuna tilmaamay iney sii wadayaan baaritaanada inta ay ka xaqiijinayaan sugidda nabadgalyada gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa sheegay in dadka ay gacanta ku hayaan ee ay la xiriirinayaan dilka afhayeenkii odayaasha dhaqanka Hiiraan ay ku wadaan baaritaano,wuxuuna ka dhawaajiyey in cid walba oo danbi lagu helo in sharciga la marin doono.

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Maamulka degmada Waaberi oo ka warbixiyey qaraxyo loo geystay Baalayaasha ku shaqeeya Iftiinka Cadceeda Qorraxda

$
0
0

nalalka xamarMuqdisho(RBC Radio) Maamulka degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey qaraxyadii saaka lala eegtay Baalayaasha Nalalka ku shaqeeya Iftiinka Cadceedda qoraxda,gudoomiyaha degmada Waaberi Axmed Mayre Makaraan oo warbaahinta kula hadlay halkii qaraxyada lagula bartilmaameedsaday Layrarka ayaa sheegay iney falkaas maasuul ka yihiin kooxaha nabad diidka oo doonaya iney Muqdisho mar kale dib ugu celiyaan Gudcurkii ay kasoo baxday sida uu yiri.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in saaka markii ay qaraxyadu dheceen ay goobta gaareen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo sida uu tilmaamay ku guuleystay iney qarax ka furfuraan Baalle 3aad oo la doonayey in la qarxiyo.

Axmed Mayre Makaraan gudoomiyaha degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ayaa intaa ku daray in khasaaraha ka dhashay qaxaryadaas uu yahay dhaawaca 4 ruux oo 3 kamid ah ay ahaayeen shacab halka midka kalane uu ahaa askari boolis ah.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay iney ku raad  joogaan kooxihii masuulka ka ahaa qarxinta Baalayaasha ku shaqeeya Cadceeda qoraxda,Baalaha 40aad iyo midka 29aad ayaa khasaaro ba’an gaarsiiyey qaraxii lagu xiray,ciidamada AMISOM ayaa ku guuleystay iney Baalaha 28aad ka furfuraan qarax lagu xiray.

Gudoomiyaha degmada Waaberi ayaa alshabaab ku eedeeyey iney maalin walba keenayaa qorshe cusub oo ay ku curyaaminayaan horumarka bulshada Soomaaliyeed,wuxuuna hoosta ka xariiqay inaan la aqbali doonin in la damiyo iftiinka iyo horumarka ay ku tallaabsatay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ka jawaabey go’aamadii kasoo baxay shirkii Kampaala,arrimo kalana ka hadley

$
0
0
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)

Kismaayo[RBC Radio]Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”ayaa shir jaraa’id oo uu galabtey ku qabtey garoonka diyaaraha ee magaaladda Kismaayo waxaa uu kaga hadley arrimo dhoor ah oo ay ka mid yihiin go’aamadii kasoo baxay shirkii Kampaala ee ay yeeshen madaxda wadamada ay ciidamada ka joogan Soomaaliya.

Mahadcelin shacabka iyo madaxda Puntland

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe shirkisa jaraa’id ee uu qabtey ka gadaal markii uu ka qaybqaatey soo dhaweyn garoonka diyaaradaha Kismaayo lagusoo dhaweeyey Dhawacyadii ciidanka Jubbaland ee Puntland lagusoo daweynayay,ayaa ugu horeen waxaa uu hadalkiisa ku bilaabey mahadcelin ballaaran oo uu ujeediyey shacabka iyo madaxda dowladda Puntland isagoona ku amaaney sida wanagsan ee ay usoo dhaweeyen dhaawacyadii kusoo dhaawacmey dagaaladii bil ka hor ka dhacay Kismaayo.

…”"”Waxaan si weyn uga mahadcelinaya madaxda iyo shacabka reer Puntland ee sida walaal tinimadu ku dheehantahay soo dhawenta iyo dabiibka caafimaad usameeyey dhaawacyadii Jubbaland ee halkaa logu qadey xaaladda caafimaad,ruunti waxan wajiyadooda ka dheehaneyna farxad iyo inay soo heelen daryeel caafimaad oo dhameestiran,wana ugu mahadcelinayna inbadan reer Puntland…”"”ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale umahadceliyey dhinacyadii garabka kusii yey in dhaawacyadan la geeyo Puntland ayna kasoo helan dibiib caafimaad oo wanagsan sida uu isagu sheegey.

Waxaa uu eedeyey dowladda faderalka

Madaxweynaha Jubbaland waxaa uu sidoo kale si kulal ugu hadley hanaanka maamul ee xiligan ay wax kuwaddo dowladda faderalka Soomaaliya isagoona dhaliil kulal dusha usaarey xukuumada xiligaan jirta.

Axmed Madoobe waxaa uu sheegey in dowladda xiligaan jirta ee dalka ay tahay mid bal marsan wadaaddii loo igmadey,waxana uu ku dhaliiley in xiligaan aysan dowladdu gudan waajibadkeeda dowladnimo, waa sida uu hadalka u dhigey.

…”"”Dowladda waxaa ay xiligaan balmarsan tahay wadaaddi lugu dhisey waxay isku dayesaa inay iska indha tirto,waa jibadkeedi dowladd nimo ee lugu dhisey marka ha aqoonsato inay tahay dowladd Soomaaliyed oo aysan malkaliyan lahayn…”"“ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe sidoo kale waxaa uu dowladda Soomaaliya ku dhaliiley inay dowladdu ku mashqushantahay howlo an xiligan loo bahnen taaso uu ku sheegey inay dowladdu ku mashquushey waxan loo dirsan.

…”"”Dowladda xiligaan waxaa ay umuuqata mid meela kale ku maqan oo ka mashqulsan arrimo ka jirey guddaha waxan aragna inuu amniga Muqdisho oo saldhig uu ah dowladda uu faraxa ka baxay,illaa xiligaana ma muqato wax talabo ah oo ay dowladdu arrintaas ka qadeysa,marka waxay ku mashqulsan tahay howlo an xiligaan ool,waxaan ugu baaqaya inay usoo jeesato guddaha dalka oo ay xiligaan dowladdu ka maqan tahay…”"ayuu yiri madaxweynuhu.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa ku darey in dowladda xiligaan aysan daacad ka ahyeen wada-haddalada ay kula jirto maamulka,balse waxaa uu caddeyey in loogabahan yahay dowladda inay si dhex dhaxad ah ku shaqeyso.

Wuxuu ka jawaabey go’aamadii kasoo baxay shirkii Kampaala

Madaxweyne Axmed Madoobe sidoo kale shirkiisa jaraa’id ee maantey waxaa uu ku dhaleeceyey go’aamadii kasoo baxay shirka ay yeeshen madaxda wadamadda ciidamada ay ka joogan Soomaaliya,qodabadii ku aadana arrimaha Kismaayo.

Dakeda magaaladda Kismaayo

Dakeda magaaladda Kismaayo

Axmed Madoobe waxaa uu ka hadley qodob ku aadana in dowladda inay maamuli doonto dakedda iyo garoonka diyaaradaha ee Kismaayo,waxana uu jaawab uu qodob kaa ka bixiyey ku sheegey in garoonka iyo dakedda Kismaayo ay la mid yihiin kuwa ku yaala magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera.

…”"”Arrintaan waxaan uga jawaab celinayaa in dakedda Kismaayo kuyaala iyo garoonka diyaaradaha inay la mid yihiin kuwa dalka kuyaalo oo ay maamulededa leyihiin dadka ku nool,Kismaayo waa sida oo kale waxba kagama duwan kuwa ku yaala Boosaaso iyo Berbera…”"”ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland.

Ugu danbentii waxaa uu sheegey Axmed Madoobe in magaaladda Kismaayo ay gacanteda ku hayaan dad Soomaali ah kuwaaso ah kuwo u dhashey deegaanka balse aysan ahyen dad meel kale ka yimiid.

Garoonka diyaaradaha magaaladda Kismaayo

Garoonka diyaaradaha magaaladda Kismaayo

…”"”Kismaayo waxay gacanta ugu jirta dadkii udhashey ee iska llaha ee ma ahaa magaalo ay gacanta ku hayaan maamuladeda cidkale oo an Soomaali ahyen,marka halaga firsado arrinta oo dib haloogu labto,waxana uu inta aku darey in dakedda Kismaayo aysan ciidi ka laheen dowladda Soomaaliya,balse ay iyadu si kale wax kuwado…”"”ayuu kusoo qadey hadalkiisa madaxweynaha.

Hadaalka madaxweynaha Jubbaland ayaa imaanaya iyadoo Puntland ay si kumeel-gaar ah u hakisay Xiriirka Dowlada Federaalka,waxana arrimahan ay ka dhigayaan inuu jidka kasii dhacayo xiriirka dowladda faderalka ay la lahed maamulada dalka kajira,kuwaas xiligaan ay umuuqato inay ka biyadiidan yihiin sida ay dowladda faderalka ay wax ku waddo.

_________

Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tartankii Qur’aan Akhriska oo Garoowe kusoo Idlaaday (Warbixin+Sawirro).

$
0
0

DSC01353

Garoowe (RBC RADIO). Tartankan oo soo bilowday 3dii bishan ayaa ilaa shalay wuxuu ka socday Masjidul hudaa ee magaalada Garoowe waxaana ku hardamayay 14 Degmo oo Puntland ka tirsan Arday ka socotay iyadoo ay ku tartamayeen Akhrinta 30ka Jus 20ka Jus iyo 10ka Jus ee Qur’aanka Kariimka ah, Maanta ayuuna Tartankaasi soo xirmay iyadoo guusha ugu balaaran ay ka gaadhay Arday ka socotay Degmada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

DSC01363

Sheekh Maxamuud xaaji yuusuf Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Garoowe oo ka mid ahaa dadkii meesha ka hadlay wuxuu sheegay in uu Eebe Jecelyahay qofka Xifdiya joogteeyana Akhrinta Qur’aanka kariimka isagoo Tusaalooyin kala duwan soo qaatay wuxuu sheekhu booriyay in lasii wado Hawlaha kor loogu qaadayo Kalaamka alle.

DSC01373

Gudoomiyaha Shirkada Golis ee Gobolka Nugaal kuna hadlayay Afka Bangiga weyn ee Salaam Maxamuud Ismaaciil wuxuu sheegay in Shirkada Golis ay marwalba u taagan tahay in ay Khayrka waxa ku jira taageerto Barnaamijkanna inta badan ay iyado maalgelisay ayna u gacan haatineyso hadii ay ka qayb galayaan sanada Dambe cid kasta oo dooneysa ka qayb qaadashadiisa, wuxuuna ardayda iyo Macalimiinta ka codsaday maadaama ay afka ku hayaan Qur’aanka kariimka ah inay usoo duceeyaan Soomaliya oo sida uu sheegay 23sano bur bur ku dhex jirta in uu mideeyo khilaafkana ka dhex saaro.

DSC01352

Tartankan oo ay qabanqaabadiisu leeyihiin Musasada Alminhaaj ayna Maalgelisay Shirkada Isgaarsiinta ee Golis Telecom Soomaliya ayaa Natiijadii ugu balaarnayd waxaa ka gaaray Ardaydii ka socotay Gobolka Kar kaar kuwaasi oo kaalimaha 1,aad ka galay Akhrinta Qur’aanka ee 30ka Jus iyo 20ka Jus halka kaalinta 3xaadna ay ka Cariirsadeen isla Ardayda Qardho 10ka Jus Akhrintiisa, waxaase kaalimaha kalena ay cariirsadeen Degmooyinka Carmo iyo Boosaaso.

DSC01407

Ardaydan oo Gobolo kala duwan ka yimi ayaa intuusan Tartanku dhamaan waxaa lagu soo wareejiyay qaybo ka mid ah magaalada si ay usoo arkaan waxaana goobahaasi ka mid ahaa Xarunta Madaxtooyada Wasaaradaha kala duwan ee Dowlada Xarunta Idaacada iyo TVga Puntland iyo Goobo kale waxaana la filayaa waqtiyada soo socda in Goboladooda lagu celsho iyadoo Kaalinta ugu balaaran ee Barnaamijkan iyo marti gelinta Ardaydan ay ciyaartay Shirkada Isgaarsiinta ee Golis Telecom iyadoo Abaalmarino kala duwan gudoonsiisay ardaydii guusha ka gaadhay Madashii uu tartanka ka socday..

DSC01393DSC01408DSC01376DSC01387DSC01356DSC01359DSC01354

 RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share

X.Daahir ma Qabiil-buu Yeeshay. W/Q Dr.Ali.A.Hirabe

$
0
0

X.Daahir ma Qabiil-buu Yeeshay
Dr.Ali.A.Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com
Agoosto 06 2013

Dr. Ali A Hirabe

Dr. Ali A Hirabe

Waxaan aad ugu xumahay in X.Daahir uu qabiil yeesho iyada oo la og yahay in uu dharaar cad Guriceel 2005 kulankii beesha Ceeyr ka dhex yiri Ceerow waxaad aaminsan tihiin kobtaada iyo tolkaaga dhexda looga jiraa “ Aniga tolkeey waan ku diiday waana ku qaldan yihiin in aay aamintaan maahmaahdaas “ manta maxaa keenay in X.Daahir rag qabiil ku difaacaya la helo iyada oo la og yahay in Aabe uu u yahay dhiiiga hada ka socda koonfurta Somalia.

X.Daahir haddii uu qabiil noqday waxaana marna la diidi Karin in Cali Maxud Raage uu noqonaayo qabiil sida oo kale Yuusuf Sheekh Ciise Kaba ku dukade uu noqonaayo qabiil,hadaba haddii nin-walbaa oo danbiile ah marka uu umada dhameeyo noqonaayo qabiil sow lama dhihi karo dadka Somali ee dhibka ku jiray in ka badan 23 sanno ma rabaan,nidaam dowladnimo Somalida kalene lama jaanqaadi karaan xaqiiqdii.

Xukunka X.Daahir waxaa xil ka saran yahay xeerilaaliyaha qaranka Somalia, waxaa mudan in uu dacawada X.Daahir lagu soo oogayo aay noqotaa mid la soo dedejiyay sabbabta oo ah waxa magaalada Muqdisho ka socda qaarkood waxaa loo nas-beeynayaa qaswadeyaal ku qaraabayana xariga X.Daahir iyo xukunkiisa oo sii dheeraada,sow dastuurka laguma dhigin in muwaadanka Somaligaa uusan xirnaan karin wax ka badan 24 saac maxaa X.Daair loo haystaa,sow burbur dowladnimo horsed kama aha in waxii umada ku heshiisay la dhaqangelin waayo.

Tarzan Double moral

Tarzan bilo ka hor waxuu lahaa Muqdisho waxaa leh Somali oo dhan maantana waxaa uu noo sheegayaa Muqdisho nabadeeda in aay gabeen odayada reer Muqdisho,sow lama dhihi karo waa Double moral oo lagu tilmaamo in Tarzan uu kala garaneeyn cida Muqdisho leh iyo cida uu xilka ka saran yahay soo celinta nabadeeda,dastuurka qabyo qoraalka waxaa lagu dhigay in masiirka Muqdisho uu xil ka saran yahay xildhibaanada baarlamaanka federaalka Somalia oo ka kala yimid Raaskaamboni ilaa Raascaseeyr 275 xildhibaan.

maqaalTaliyaha Ciidamada Boliska Federaalka Somalia Gen Saacid iyo Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir Gen Axmed xasan Maalin labaduba ma laha xad kala xira sabbabta oo ah Gen.Saacid waxaad arkeeysaa asaga oo kormeer ku sameeynayo degmooyinka gobolka Banaadir iyda oo looga fadhiyo in uu kormeero gobolada dalka oo dhan halka Gen.Maalin oo ah ninka xilka ka saran yahay nabada gobolka Banaadir uusan laheeyn awood ku filan iyda oo la ogyahay in Gobolka Banaadir uu leeyahay daqliga kalya ee lagu maareeyo dowlada Federaalka heykaladeeda kala duwan, Dekeda iyo Airporka Muqdisho hantida ka soo gasha dowlada federaalka haddii lagu celin lahaa Gobolaka Banaadir xaga soo celinta nabada iyo hurumarka ilama ahaateen in manta Tarzan eedaayn lahaa Odayada aanan awooda u laheeyn in aay wax ka bedelaan dastuurka hada jira balse awooda Gobolka Banaadir iyo dowlada federaalka ayaanan xuduud kala laheeyn awoodahana kala cadeeyn,haddii degma walbaa laga qori lahaa 50 Bolis oo u dhashay degmadaa u naxaayaa degmadaa mushaarkoodana uu ka yimaada daqliga Dekeda iyo Airporka waxaa la gaari lahaa nabad taanm ah balse haddii daqligii Gobolka Banaadir lagu marsuufo xildhibaano aanan u dhalan G.Banaadir iyo wasirro ka yimid gobolada dalka intiisa kale xagee nabad ugu imaaneeysaa Muqdisho Alow noo dhali Nin na xiltira Somalina qaada.

CIID WANAAGSAN.

Dr.Ali.A.Hirabe

Hirabe_a@hotmail.com

============

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Sh. Xassan Culusow: Madaxweynaha War-Murtiyeedka. W/Q Cumar Ayuub

$
0
0

Sh. Xassan Culusow: Madaxweynaha War-Murtiyeedka
Cumar Ayuub
ayuub-c@hotmail.com
Agoosto 06 2013

maqaalMadaxweyna walba waxa uu leehahay astaan ama wax taariikhdu ey ku xasuusato. Hadii aan ku fogaan tusaalahaan oo aan ka soo qaado madaxweynayaashii kumeel gaarka, Cabdullahi Yuusuf waxaa lagu xasuustaa in uu ahaa ninkii ciidamada ajaanibta wadanka u horseeday, Sheikh Shariif waxaa lagu xasuustaa safar aan kala joogsi laheyn. Madaxweyne Sh. Xassan Culusow waxaa lagu xasuusan doona mudada yar uu joogay in Communique uu rabo in uu Soomaliya ku xukumo. Meel ey taladiisa iyo ciidankiisa uusan gaarin buu rabaa in uu waraaq iyo hadal ku maamulo. Waxaa cajiib ah madaxweyne dhan oo ku dhaartay dal, dad, iyo dastuur in uu qaranimadii Soomaliya kula gorgortamo wadamada jaarka la ah Soomaliya.

Sh. Xassan Culusow iyo Sh. Shariif waxaa ey aad ugu kala duwanyihiin, ayada oo Sh. Shariif ka maamul iyo khibrad yaraa baa wuxuu ahaa nin mutadaawac ah oo yaqaan duruufta iyo marxalada oo dalku marayo. Waxaa kale oo aan Sh. Shariif lagu xaman Karin in uu yahay Qabiiliste asaga oo Ilahaahay uu haleelsiiyey in uu khubaro qabiilo badan uu ka dhigtay taliyayaal iyo kalkaaliyaal. Sh. Xassan Culusow wax yaabaha lala yaabay oo lagu arkay baa waxaa ka mid ah asaga oo isla weyni darteed aaminsan in uu yahay qof kaamil ah oo aaminsan in uu dadka ugu caqli badanyahay buu taliyayaal ka dhigtay rag qoyskiisa ah, ciyaal aan khibrad badan laheyn, iyo wasiiro aan aqoon iyo karti badan lagu aqoon. Hadeer waxaa igu maqaal ah in xataa ninkii ugu macquulsanaa uguna firfircoona wasaaradaha (Wasaarada warfaafinta, Bostada, Isgarsiinta iyo Gadiidka) haatan jira uu rabo in uu ka takhaluso taas oo loo aaneynayo in uu diidanyahay qof ka cod dheer ama ka howl karsan in saaxada lagu arko.

Shirka hadeer ugu danbeeyey ee Kampala maxaa Sh. Xassan Culusow uga hirgalay. Waxaa cajiib ah madaxweynaha asaga oo dadkiisa aan damaanad, xeelad, waaya aragnimo, tolnimo, iyo wacyi galin aan u sameyn in uu shir African ah la dhextago Dakada iyo Airport ha la igu soo wareejo. Show waxaad u maleysaa in wadamada Africankaan eysan ka war heyn awooda iyo daruufaha heysta Dowlada Federaalka ayada oo har iyo habeen waardiya ka heysa. Xataa masuuliyada saaran Amisom oo aan wiligeed aduunyada ka dhicin baa waxay tahay in masuuliyiinta sare iyo ehelkooda in ey kala waardiyeeyaan. Waxay mareysaa in ciidankii loo soo diray in wadanka ka xoreeyaan shabaab iyo cadow quwad leh in albaabada madaxda ka shaqeeyaan oo baaraan hadba qofka soo galaya. Dowlada quwadeed intaas le’egtahay baa rabta in Communique loogu soo qora “Dowlada ha lagu wareejiyo dakada iyo airportka’. Dowlada Soomaliya ma la is wiidiiyey HALKEE BEY JOOGTAA:

1. Ma ciidanka shabaab la shaqeeyo oo qirtay in ey iska kaashanayaan in Amisom ey laayaan baa

2. Ma kuwa Shabeelada hoose isbaarada u taala baa

3. Ma kuwa Xamar amnigeeda sugi la’ baa

4. Ma ciyaal suuqii Xamar joogay oo tuutaha iyo dacaska gashan baan Kismaayo la keenin

============

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Madaxweyne Siilaanyo oo dhaqan geliyey xeer ku salaysan bixinta Derejooyinka Ciidamada kala duwan ee maamulka Somaliland(WAR-SAXAAFADEED)

$
0
0
Madaxweynah Soomaaliland Siilanyo

Madaxweynah Soomaaliland Siilanyo

Hargeysa[RBC Radio]Madaxweynaha maamulka Soomaaliland  Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu  dhaqan geliyey xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1948/082013 oo ku salaysan bixinta Derejooyinka Ciidamada kala duwan ee  Soomaaliland.

 

Madaxweynuhu

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: In ay lagama maarmaan tahay in Dhamaan Ciidamada Qaranka la siiyo Derajooyin ay mutaysteen;

Markuu Tixgeliyey: Magacaabidii Guddida Hirgelinta Derajo-bixinta iyo talo bixintoodii;

Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedintii Guddida Nabad-gelyada Qaranka ee Derajo Bixinta khusaysa;

Markuu Garwaaqsaday: Xilka naf-huridda iyo heeganka joogtaysan ee Qarankan u hayaan;

Markuu Ku-qancay In bixinta derajada Ciidamadu ay kor u qaadi doonto Milgaha iyo Sharafta Ciidamadeena iyo Haybadda Dawladnimo;

WUXUU GO’AANSADAY

Dhamaystirka Derajada Ciidamada kala duwan ee Qaran in ka badan 10,000 oo Askari oo u dallacay derajooyin kala duwan ee u dhexeeya Alifle ilaa Sareeye-Gaas, isla markaana Madaxweynuhu wuxuu go’aamiyey in Dhamaan Ciidamada loo kordhiyo Gunno Derajo iyadoo lagu salaynayo Derajada iyo dallacaada kala duwan, korodhka Gunnada Derajada oo ka bilaabmaya September 2013. Waxaa la farayaa Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan in derajooyinka si rasmi ah loo bixiyo munaasabadda Ciidal-Fidriga.

 

ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

__________________

Iimaan Maxamed Jaamac

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Alshabaab oo faah faahiyey qaraxyo habeen ka hor ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho

$
0
0

SOMALIA MILITIAMuqdisho(RBC Radio) Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weeraradii  qaraxyada ahaa ee habeen hore ka dhacay meelo badan oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir,afhayeenka dhanka hawlgallada alshabaab SH C/casiis Abu Muscab oo la hadlayey warbaahinka ku hadasha afka alshabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkii qaraxyada ahaa ee Muqdisho ka dhacay habeen hore.

Abu Muscab ayaa sheegay in weeraradaas ay qaadeen rag si gaara u tababaran oo ka tirsan alshabaab,wuxuuna tilmaamay iney gaarayeen ilaa 21 Weerar,Abu Muscab ayaa sheegay in 20 kamid ah ay ahaayeen qaraxyo lagu qaaday fariisimo muhim ah oo ay magaalada Muqdisho ku leeyihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya,wuxuuna intaa ku daray in weerarka 21aad uu ahaa Duqayn ay u adeegsadeen Madaafiic.

Wuxuuna tibaaxay iney gantaaladaas la dheceen Garoonka ciyaaraha Kubadda Cagta ee Istaadiyow Muqdisho(Isbartiibo) oo ay fariisin weyn ku leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM,wuxuuna xusay iney ku rideen ilaa 8 Madfac oo uu sheegay iney la heleen halkii uu bartilmaameedku ahaa sida uu hadalka u dhigay.

Abu Muscab ayaa dhanka kale sheegay iney Baydhabo ka fuliyeen 3 weerar oo mid ka mid ah uu ahaa dagaal toos ah oo ay ku qaadeen ciidanka Burundi ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM,wuxuuna sheegay iney halkaas khasaaro ku gaarsiiyeen ciidamadii ay weerarka ku qaadeen,afhayeenka hawlgalada ee alshabaab ayaa sidoo kale sheegay iney dagaal ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeelaha hoose.

Wuxuuna sheegay in dhammaan weeraradaas ay khasaaro ba’an ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM,balse ma uusan sheegin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha gaaray dowladda iyo AMISOM sida u sheegtay,alshabaab ayaa inta badan guulo ka sheegto dagaal ay la galaan ciidamada dowlada iyo kuwa nabad ilaalinta ee taageeraya.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Qabanqaabada Aaska Marxuum Cismaan xasan Cali Caato oo saaka Muqdisho ka socota

$
0
0

muq kkkkkkMuqdisho(RBC Radio) Qabanqaabada aaska Alla ha u naxariistee Marxuum Cismaan Xasan cali Caato oo shalay galinkii danbe ku geeriyooday hoyga uu ka daganaa degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa saaka ka socota magaalada Muqdisho,Meydka Marxuumka ayaa xiligan yaalla Cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah ehelada Marxuum Cismaan Xasan Cali Caato ayaa inoo sheegay in Salaadda Janaasadaha lagula tukanayo gudaha Cisbitaalka Madiina,waxaana lagu wadaa iney halkaa goordhow gaaraan masuuliyiin ka socota dowlada,Siyaasiyiin,odayaal dhaqameed iyo qaybaha kale ee bulshada oo ka qaybgali doona aaska Alla ha u naxariistee Cismaan caato.

Meydka Marxuum Cismaan Xasan Cali Caato ayaa marka lagu tukado Salaadda Janaasada waxaa lagu wadaa in loo qaado Degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho halkaas oo lagu aasi doono.

Cismaan Xasan Cali Caato oo shalay galinkii danbe ku geeriyooday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka tacsiyeeyey geeridiisa,dad fara badan oo ay ka mid yihiin,wasiirka arimaha gudahaC  /kariin Xuseen Guuleed,Xuseen Maxamed Faarax Caydiid,Madaxweynaha Galmudug Jen.Cabdi Qaybdiid,Odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiin kale,waxayna Alle uga baryeen inuu naxariistiisa siiyo eheladii uu ka baxayna uu Samir iyo Iimaan ka siiyo,INAA LLILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Madaxweyne Xasan SH oo ku baaqay in la joojiyo wararka aan saxda ahayn ee Kismaayo laga sheego

$
0
0

xasaan shiikhMuqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan SH Maxamuud ayaa ku baaqay in la joojiyo dacaayadaha magaalada Kismaayo,madaxweynaha oo warbaahinta la hadlayey xili uu kasoo laabtay shirkii Kampala ugu soo dhammaaday madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa ku baaqay in laga waantoobo dacaayadaha iyo wararka aan saxda ahayn ee laga sheego magaalada Kismaayo sida uu sheegay.

Madaxweyne Xasan SH Maxamuud ayaa sheegay iney tahay arin aan la ogolaan karin in magaalada Kismaayo laga sheego waxa uu ku tilmaamay dacaayado iyo warar aan sax ahayn,madaxweynaha ayaa tilmaamay in xaqiiqdu ay tahay in shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo inaan lagu qasbi karin wax aysan raali ka ahayn.

“Mashaakilku dibada ma jiro ee waa dhexdeena,dowladu waxay ku dadaaleysaa awood siinta dadka shacabka ah,shacabka Soomaaliyeed dhibaato hor leh uma baahna,mana jirto cid si gaara loo faquuqayo ama ay dowladdu dhibaato ku tahay”ayuu yiri madaxweyne Xasan SH Maxamuud.

“Dowladu waxay masuul ka tahay xalinta dhibaatada jirta,ee maha siyaasada dowladda in qolo cusub laga xanaajiyo,go’aanada shirka Kampala waa guul idiin soo wada hoyatay”ayuu hadalkiisa kusii diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan SH Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday ineysan waxba soo kordhineen is riix-riix iyo dacaayado aan sax ahayn,balse arinta lagama maarmaanka ah ay tahay in dadka Soomaaliyeed ay ka tashadaan aayahooda,wuxuuna daboolka ka qaaday in dowladiisu ay diyaar u tahay in cid walba la hadasho si loo gaaro midnimada ummadda Soomaaliyeed.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

DEG DEG:Kooxo hubaysan oo Muqdisho ku toogtay gudoomiye ku xigeenkii degmada Wardhiigley

$
0
0

bistooloMuqdisho(RBC Radio) Kooxo Hubaysan ayaa goordhweyd ku toogtay degmada Wardhiigley gudoomiye ku xigeenkii degmadaa Alla ha u naxariistee Shire Axmed,wararka naga soo gaaraya degmada Wardhiigle ayaa sheegay in rag ku hubaysan Bistoolado ay weerar ku qaadeen gudoomiye ku xigeenka degmadaas.

Kooxaha bistooladaha ku hubaysan ayaa rasaas la dhacay gudoomiye kuxigeenkii degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho,waxaana la tilmaamay in dhaawac halis ah oo kasoo gaaray rasaastaas loogu qaaday Cisbitaalka Daaru Shifa ee magaaalada Muqdisho.

Shire Axmed ayaa waxyar kadib markii dhaawiciisa la geeyey Cisbitaalka Madiina waxa uu ku naf baxay gudaha Cisbitaalka,kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay,waxaana tacshiirada lagu furay uu dhaawac kasoo gaaray mid kamid ah ilaadiisa.

Falkan lagu dilay gudoomiye ku xigeenkii degmada Wardhiigle ayaa daba socda falal amni xumo ah oo kusoo kordhaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,dhawaan ayey ahayd markii sidan oo kale ay koox hubaysani

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Dowladda Japan oo ku deeqday Lacago wax looga qabanayo Cudurka Dabaysha ee ka dillaacay Soomaaliya

$
0
0

unicefMuqdisho(RBC Radio) Dowladda dalka Japan ayaa ugu deeqday la dagaalanka cudurka Dabaysha ee ka dlaacay gudaha dalka Soomaaliya lacag gaaraysa 1.3 Milyan oo doolar,si loola tacaalo Cudurka Dabaysha oo la xaqiijiyey inuu ka jiro gudaha wadanka Soomaaliya,Sida ay ku warantay Hay’ada UNICEF ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta waxaa cudurka Dabaysha la ildarn in kabadan Boqol Carruur Soomaaliyeed.

Hay’adda Carruurta ee Qaramada Midoobay ayaa intaa ku dartay iney jiraan Carruur fara badan oo ay surta gal tahay inuu haleelo cudurkaasi Dabaysha maadaama aysan helin tallaalkii ka hortagga Cudurka Dabaysha ee loo baahnaa iney qaataan.

Sikander Khan oo ah ergayga gaarka ah ee Hay’adda UNICEF u qaabilsan dalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Carruurta Soomaaliyeed ay kaga jiraan kaalinta Koowaad Ubadka dunida ee aanan sida joogtada ah u helin Tallaalka Cudurka dabaysha ee looga hortago cudurkaas.

Sikander Khan Madaxda UNICEF ee Soomaaliya ayaa ku waramay in Carruurta Soomaaliyeed ee aan helin Tallaalka Cudurka Dabaysha intii u dhaxaysay sanadihii 2008da ilaa 2012ka ay gaarayaan Hal Milyan oo Carruur ah taasoo uu ku sheegay iney tahay cadad aad u sareeya.

Ku dhawaad Boqol Carruur ah oo uu haleelay Cudurka Dabaysha ayaa bishii July ee sanadkan,Gabadh yar oo 2 sano jir ah ayey ahayd qofkii ugu horeeyey ee lagu arkay Sanado kadib,waxaana intaa kadib bilaabatay sidii loo xakamayn lahaa Cudurkaas oo dalka kusii faafayey.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Dowlada Soomaaliya oo markale Hashiis la Gashay Shirkad Cusub oo Shidaal ka Baarta Soomaaliya (Sawirro)

$
0
0

IMG_6357Wasaaradda Khayraadka ee Dawladda Federalka Soomaaliya ayaa manta heshiis la gashay shirkad cusub oo magaca Soomaaliya wadata in nay shidaal ka baarto Guud ahaan Wadanka Soomaaliya.

Shirkadaan aya waxaa lagu magacaabaa SOMA GAS AND OIL waxaa website kooda la aasaasay bishii Maarso 2013 kii.

Creation Date: 26-MAR-2013
Updated Date: 17-JUL-2013
Expiration Date: 26-MAR-2024

Warsaxaafadeed

Wasaaradda Khayraadka ee Dawladda Federalka Soomaaliya waxaa ay ku dhawaaqday maanta in ay heshiis la gashay sharikadda lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration ltd, www.somaoilandgas.com oo fadhigeedu yahay dalka Britain.

Heshiiska waxaa uu u ogalaanayaa Sharikaddan in ay ka sahmiso Soomaaliya in Saliidi ku jirto , soona ururiso xog ku saabsan jiritaanka Shidaal, si ay qayb uga qaadato hormarka la doonayo in laga gaaro dhinaca tamarta.

Waxaa la rajaynayaa in heshiiskan uu qayb ka noqdo dhiirigalinta maalgashiga iyo soo saarista khayraadka dalka si loo xoojiyo dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

Heshiiskan waxaa uu muujinayaa xiriirka xoogan ee u dhexeeya Somalia iyo Britain.
Wasaaradda Kheyraadka.

IMG_6363 IMG_6357 IMG_6350 IMG_6337 IMG_6339 IMG_6342 IMG_6266 IMG_6310 IMG_6324 IMG_6232

Xukuumada Federaalka
Wixii faah faahin ah la xiriir
Afhayeenka Xukuumada
Ridwaan Xaaji Cabdiweli
Mob.+252-61-6969105
ridwaanhaji@gmail.com

Use Facebook to Comment on this Post

Share

DEG DEG: Wafti xildhibaano katirsan dowladda faderaalka oo goor dhow laga dhowrayo inay yimaadan Gaalkacyo

$
0
0

raxanreeb-deg-deg131

Gaalkacyo [RBC Radio] Magaaladda Gaalkacyo waxaa la sugayaa maanta inay soo gaaraan wafdi xildhibaanaa oo ka tirsan dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Xildhibaanadan ayaa la tilmaamayaa inay galabta ka soo dagaan garoonka diyaaradaha ee C/laahi Yuusuf Gaalkacyo, iyagoo ka soo duulaya magaaladda Muqdisho.

Xubnaha xildhibaanad ah ayaa la tilmaamaya inay tiro ahaan gaarayaan illaa 10 xubnood oo dhammaantood ka soo jeeda Puntland.

Xildhibaanadaan ayaa la sheegey inuu hor kacayo xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo mar R/wasaare ka soo noqday Soomaaliya gaar ahaanna dawladdii uu M/weynaha ka ahaa Dr. Cabdiqaasim Salaad Xassan,sida ay warbaahinta guddaha ka soo xiganayeen xaqiijinta warka afhayeenka waftiga xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare).

Ujeedka socdaalka xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa lugu sheegey inuu quseyso xallinta khilaafka Puntland iyo dawladda federaalka,kaaso muddadan danbe cirka isku shareerayey.

Madaxda sar sare ee Puntland ayaa dhor mar eedemo kulul usoo jeediyay dowladda faderaalka iyagoona sheegey inay xiligaan ay gees mareyso arrimo badan dowladda.

Xildhibaanadan ayaa sidoo kale la sheegaya inay galidoonan arrimaha siyaasaded ee xiligaan Puntland ka taagan iyagoona dhex dhaxedin iyo saxid sameen doona.

Wararka socdaalka xildhibaanada faah faahsan kala soco Raxanreeb.com

___________

Iimaan Maxamed Jaamac

RBC Radio

Xafiiska Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Cismaan Xasan Cali Caato oo shalay geeriyooday oo maanta aas qaran Muqdisho loogu sameeyey

$
0
0

caatoMuqdisho(RBC Radio)Siyaasiga Cismaan Xasan Cali Caato oo shalay gabbal dhicii ku geeriyooday   Hoygiisa Magaalada Muqdisho  ayaa maanta  loogu sameeyey  aas aran oo ay ka qaybgaleen madaxda dowlada Soomaaliya caasimadda Muqdisho.

Suldaan Yuusuf oo ka warbixiyey sida uu u dhacay aaskii qaran ee loo sameeyey Allaha unaxariistee marxuun Cismaan Xasan Cali Caato ayaa sheegay in cisbitaalka Madiina ay kula tukadeen maydka marxuunka boqolaal ruux   salaadii Janaasada intaa  kadibne Meydkiisa  loo qaaday  xarunta madaxtooyada villa Soomaaliya oo ay ku sugnaayeen madaxda dowladda ugu saraysa iyo masuuliyiin kale.

Suldaanka ayaa sheegay in markii lagaarsiiyay Maydka Cismaan caato  xarunta Madaxtooyada soomaaliya  duco halkaas loogu sameeyey,Ducadaas oo ay ka qayb galeen Madaxda qaranka iyo Dadweyne aad u tiro badan.

Meydka Marxuum Cismaan Xasan Cali Caato ayaa waxaa markii danbe loo qaaday degmada Hiliwaa Halkaas oo lagu aasay,aaskiisa ayaa waxaa ka qaybgalay dad aad u fara badan.

Cismaan Xasan Cali Caato  ayaa mudo badan kusoo dhex jira siyaasada dalka soomaaliya isagoo xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadihihii  kumeel gaarka ahaa ee lagu soo unkay dalalka dariska,wuxuuna xiligan ku hawlanaa dhisme Garoon diyaaradeed oo uu ka dhisayey Koonfurta magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

DEG DEG: R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof.Cabdiweli Gaas oo si cadd u sheegey inu yahay musharax u tagan madaxtinimada Puntland

$
0
0
R.wasaarihii hore ee dowladdii KMG ahayeed Cabduwalhi Maxamed Cali Gaas oo xiligan utaagan madaxtinimada Puntland

R.wasaarihii hore ee dowladdii KMG ahayeed Cabduwalhi Maxamed Cali Gaas oo xiligan utaagan madaxtinimada Puntland

Addis ababa [RBC Radio]R/wasaarihii hore ee dowladdii KMG ahayeed Cabduwalhi Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhaweed caddeyey inuu yahay musharax u taagan madaxtinimada Puntland.

Cabduwalhi Maxamed Cali Gaas waxaa uu sheegey in arrimo badan oo is baheystey awgeed in xiligaan uu gartey inuu u istaago madxatinimada Puntland.

“”Waxaan si cadd u sheegaya in an maantey wixii laga bilaabo utaganahay musharaxnimada Puntland,arrimo isbaheystey awgood wixii maantey laga bilaabo waxan u taaganahay xilka Madaxweynaha Puntland…”"”ayuu yiri Gaas.

Sidoo kale musharaxu waxaa uu ka hadley waxaa uu doonayo inuu ku soo kordhiyo Puntland,waxana uu sheegey in xiligaan Puntland ay u baahantahay in dib loo soceliyo dhaqaalhi ay laheed.

…”"”Puntland waaa dal qani ah,waana mid leh dhaqaalo ubahan in wax soo sarkiisa laga soo shaqeeyo,anigana shacabka reer Puntland waxaan u sheegaya inan doonayo inan wax ka qabto dhaqaalaha Puntland oo an u shaqeeyo sidii an sare ugu qaadilaha…”"”ayuu ku yiri hadalkiisa Gaas.

Gaas waxaa uu sidoo kale hadalkiida kusoo qadey isagoo kusugan magaaladda Addis ababa in xiligaan dowladda Puntland ay ubaahantahay isbadal dhab ah oo dhinacyada kala duwan leh.

…”"”Puntland waxaa xiligaan ay u baahantahay isbadal dhab ah oo ubadan sidii dib logu soo nolen lahaa dhamanba waxaa ay dadku iyo deegaanku tabanayo,waana mida an xooga saari doono…”"”ayuu kusoo qadey hadalkisa.

Waxaa kalo si cadd  u sheegey Cabduwali inoo doonayo inta uhartey nolashiisa inuu u faa’ideyo shacabka reer Puntland oo wixii kalan kisa ah oo siyaasaded uu ku gacan siyo.

…”"”Waxaan xiligaan doonaya inanta ii dhiman nolasheyda inan wixii awood an uleeyahay an uga faa ‘ideyo oo an ku gacan siiyo”‘”"ayuu sheegey.

Doorashada madaxtinimo ayaa lugu wadaa inay Puntland ka dhacdo 8da Janaayo 2014,Gaas ayaa muddadan danbe laga hadal hayey deegaanada Puntland inuu noqdo musharaxa madaxtinomo isagoona ka mid ah siyaasiyinta Soomaaliyed ee sumcada ku leh guddaha dalka.

__________________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska wararka Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Madaxweynaha Puntland oo maantey Garoowe kula shirey wafti u hogaaminayo Safiirka Britain u qaabilsan Soomaaliya Neil Wigan[Sawirro]

$
0
0

7

Garoowe [RBC Radio]Magaaladda Garoowe ee caasumada Puntland waxaa maantey soo garey wafdi ka socday Britain uuna hogaaminayo safiirka u qaabilsan Soomaaliya ambassador Neil Wigan.

Waftigaan oo ay soo dhaweeyen xubno katirsan Puntland,ayaa xiligi ay guddaha usoo galen magaaladda waxaa ay kulan kula qaaten xarunta madaxtoyada madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Faroole.

Madaxweynahaa ayaa kulanka uu waftigaan la qatey waxaa ku waheliyey xubno ka tirsan gollaha wasiiradda Puntland oo ay ka mid ahaayen wasiiraka Qorshaynta, caafimaadka, Maaliyada iyo ammaanka,dhinaca waftiga Britain waxaa kulanka ka qeyb qaatey xubno ka socday xafiiska horumarinta iyo saraakiisha wasaarada arrimaha dibedda Britain.

Intii lugu sugna madaxtoyada ayaa la isla soo qadey arrino dhor ah iyagoona marka hore ay xubnaha labada dhinac ay iska xogwaresteen arrimaha ka jira Puntland iyo doorka kaga aadan xukuumada Britain.

Sidoo kale arrimihi laga wada hadley ee xubnuhu ay isla soo qaden waxaa ka mid ahaa Amniga, dastuurka Soomaaliya, xiriirka dowladda faderaalka Soomaaliya iyo Puntland oo xiligaan mugdi ku jiro, Maareynta deeqaha caalamiga, iyo gacanta taageero ay Britain siiso Puntland.

Xiligii uu soo dhamaadey kulankii ay ku yeeshen waftiga iyo madaxweynaha Puntland xarunta madaxtoyada,ayaa waxaa saxaafada siwada jir ah ula hadley madaxweyne Faroole Safiirka Britain u qaabilsan Soomaaliya Neil Wigan.

Madaxweynaha Puntland Dr,Faroole

Madaxweynaha Puntland Dr,Faroole

Madaxweynaha Puntland oo hadalka ku hormarey ayaa xukumaada London ku sheegey inay tahay mida gacan weyn inta badan ka sii sa Soomaaliya arrimaha xiligaa ka taagan.

…”"”Anaga dowladda Britain waxan ku tilmaamayna inay tahay mid kaalinta koobad kaga jirta caawinaada Soomaaliya ay ka hesha wadamadda caalamka,wana ku amaaneyna dadaalkeda gacansin ee ay nala tagan tahay…”"”ayuu yiri madaxweyne Faroole.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegey in Puntland iyo Britain uu ka dhaxeeyo xiriir wanagsan oo wada shaqeyneed.

Sidoo kale hadalkiisa madaxweyne Faroole waxaa uu sheegey in waftigaan Garoowe ay yimaaden xili dowladda Puntland iyo DFS usan wanagsanen oo xiligan mugsi uu soo kala dhex galey,waxana uu hadalkiisa uu si cadd ugu sheegey inay moowqifkii ay dowladda faderaalka ka gaaren uu yahay mid ka go’an oo an ku iman si sahlan una ka turjumaya halka ay xukuumada xiligaan jirta ee Soomaaliya ay ka jogto Puntland.

Safiirka Britain u qaabilsan Soomaaliya Neil Wigan

Safiirka Britain u qaabilsan Soomaaliya Neil Wigan

…”"”Go’aanki iyo mowqifkii an ka soo sarney dowladda faderaalka ma ahaa mid an si sahlan ama ciyaar ah ku yimiid,waa go’aan inaga go’an oo ka turjumaya xiliga halka ay naga jirto dowladda xiligaan jirta…”"”ayuu yiri madaxweyne Cabdirixmaan.

Safiirka Britain u qaabilsan Soomaaliya Neil Wigan ayaa isna dhankiisa hadal uu jeediyey waxa uu ku sheegey inuu ku farxasan yahay isaga iyo waftigiisaba iman shiyasha Garoowe,taasina ay muujineyso nabada iyo xasiloonida ka jita xiligaan Puntland.

Waftigaan uu horsocdo safiirka Britain u qaabilsan Soomaaliya Neil Wigan ayaa luguwada inta ay ku sugan yihiin Puntland inay kulamo gooni gooni ah la qaatan madaxda Puntland oo ay kahadlan arrimo badan.

1

 

2

 

3

4

5

6

 

7

__________________

RBC Radio
Garoowe

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Xildhibaano katirsan dowladda faderaalka Soomaaliya oo soo gaaray Gaalkacyo[Sawirro]

$
0
0

IMG_6909

Gaalkacyo[RBC Radio]Magaaladda Gaalkacyo waxaa soo gaaray wafdi xildhibaanaa oo tiradoodu ahayd 7 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya.

Wafitagaan xildhibaanada ah ayaa waxaa uga hortagey garoonka diyaarada ee Cabdulahi Yuusuf,maamulka gobolka iyo xubno kasocdey qeybaha bulshada kuwaaso ka qeyb qaatey soo dhaweyntooda.

Xildhibaanadan ka socdey xukuumada faderaalka ah ee Soomaaliya ee Puntland soo gaarey ayaa waxaa ay kala ahaayen Xildhibaan Xasan Abshir Faarax , Xildhibaan maxamed Cabdi Yuusuf, Xildhibaan cabdiladiif Muuse Nuur, Cali Ismacil Cabdi Giir xildhiban Adan Sadiiq Maxamed Xildhibaan Cabdulahi bile iyo xildhibaanad Saaqo Aadan Gaas.

Xildhibaanadan oo dhamantood ahaa kuwo kasoo jeedey Puntland ayaa socdalkooda ku micneyey inuu yahay mid ugu tala galeen inay ku qaatan Puntland fasaxooda shaqo.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo madax u ah xubnahaasi ayaa war kooban oo uu warbaahinta siiyay waxaa uu ku sheegay inay u yimaadeen u kuur galidda xaaladda dad iyo deegaan, maadaamaa ay baarlamaanka Soomaaliya ay u matalaan deegaanada Puntland.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf

Xildhibaan Yuusuf, ayaa dhanka kale beeniyay warar la isla dhex marayay oo sheegayay in mudanayaashaasi ay u socdaan dhexdhexaadin ay ka dhex samaynayaan Puntland iyo dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo muddooyinkan danbe xiriirkoodu xumaa, shalayna Puntland ay shaaca ka qaaday in xiriirkii ay u jartay dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

…”"”Safarkeena ma quseeyo arimaha dhex yaala dowladda faderaalka Soomaaliya iyo Puntland,ee waxan usocona u kuur galidda xaaladda dad iyo deegaan, maadaamaa ay baarlamaanka Soomaaliya ay u matalnodeegaanada Puntland…”"”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf.

Maxamed Cabdi Yusuf ayaa sidoo kale hadalkiisa kusoo qadey inta ay joogan Puntland inay qorsheenayan inay is arkaan Issimada iyo waxgaradka Puntland oo ay kala hadli doonan xasilinta deegaanka iyo sidii lo horumarinkaro.

Socdaalka ay maantey magaaladda Gaalkacyo ay kusoo gareen xildhibaanadan ka socdey dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo Puntland iyo xukuumada faderaalka uu dhex yaalo mad madow iyo ismandhaaf siyaasadeed.

IMG_6906

IMG_6909

IMG_6910

IMG_6911

IMG_6912

 

IMG_6913

IMG_6915

IMG_6919

IMG_6920

IMG_6923

IMG_6936

IMG_6925

IMG_6943

____________________________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Taliyaha hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Soomaaliya oo amar dul dhigay Shirkadaha Duullimaadyada dalka

$
0
0

gaafooowMuqdisho(RBC Radio)Taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Ganaraal C/llaahi Maxamuud Gaafow oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa degniin culus ujeediyay Shirkadaha Diyaaradaha ee ka shaqeeya muqdisho inesan qaadi karin dadka wata baasaboorkii hore ee cagaarnaa ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ee xiligiisu dhacay.

Hadalka Taliyaha  ayaa kusoo beegmaya xilli ay dad badan oo soomaaliyeed u diyaar garoobayaan aaditaanka xajka sanadkan taliyaha ayaa  sheegay in  baasaboorkii hore ee soomaaliga uu sababay in  dalalka dunidu ay shaki xoogan ka muujiyaan  dadka wata baasaboorkii hore ee soomaaliga.

Taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha oo sii wato hadalkiisa ayaa tilmaamay in uu noqon doono Baasaboorka cusub ee” E Baasboor”mid looga gudbo fekerkii uu caalamku kaqabay Baasaboorka soomaaliga ah “meel marinta go’aankan wuxuu guul u yahay dhamaan umada soomaaliyeed iyadoo horseedi karta in uu wanaagsanaado xiriirka caalamku laleeyahy soomaaliya”ayuu yiri taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Dawlada  Federaalka Soomaaliya Gen. Gaafow.

Digniintan ayaa kusoo beegmayso xili ay dad badan oo Soomaaliyeed isku diyaarinayaa soo gudashada waajibaadka xajka, iyadoo ay jiraan dad badan oo isticmaala Baasaboorkii hore ee jamuuuriyada soomaaliya.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Viewing all 7988 articles
Browse latest View live