Quantcast
Channel: Barnaamijyo – RBC Radio
Viewing all 7988 articles
Browse latest View live

Guddoomiyihii Gudiga Kumeelgaarga ah ee Doorashooyinka Puntland Dr Maxamed Xasan Bare oo Iscasilay

$
0
0
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dr Maxamed Xasan Bare

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dr Maxamed Xasan Bare

Garoowe[RBC Radio] Wararka laga helaayo magaaladda Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland ayaa sheegaya in Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka Puntland Dr Maxamed Xasan Bare uu si rasmi ah isaga Casilay xilkii uu Guddiga u hayey.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dr Maxamed Xasan Bare iyo Xubno kamid ah ay Warqada Iscasilaada ay si toos ah ugu gudbiyeen Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Faroole.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole uu arrinta Iscasilaada uu ka aqbalay balse markii hore muddo lagu muransanaa Iscasilaada degdeg ah.

Iscasilaada Guddoomiyaha Guddiga Kumeelgaarga ah ee Doorashooyinka Puntland Dr Maxamed Xasan Barre ayaa noqneysa mid lama filaan ah taasoo Siyaasiyiinta qaar aaminsanaayeen in Madaxweynaha Puntland doonayey in uu si joogo si Olaha Doorashada soo socota ka qeybqaato.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdirixmaan Faroole ayaa Wareegto lambarkeedu ahaa 59,bishii Juun 27-dii ku magacaabay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland Dr Maxamed Xasan Bare.

Talaabada uu qaaday Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ayaa imaaneysa xili dhawaan Madaxweynaha Puntland uu gebi-ahaanba uu joojiyey Doorashooyinka Golayaasha deegaanka oo lagu wadey iney Puntland ka qabsoomaan.

Weli ilaa hadda si cad looma sheegin sababta keentay Iscasilaada Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarga ah iyo xubnaha la socday, sidoo kalena Dawladdu faah-faahin kama aysan bixin arrintaas.

Waxaase lawada Ogsoonyahay in Guddoomiyaha iyo Xubnihii la shaqeynayayba ay ku guul dareysteen Shaqadii loo igmaday markii hore.

Guddoomiye Maxamed Xasan Bare ayaa la xaqiijinayaa in uu u baqoolay dalka Ingiriiska oo horeyba u degenaa.

 

___________________

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Dowladda Soomaaliya oo heshiis la gashay shirkadd ilaalisa xeebaha Soomaaliya

$
0
0
Wasiirka gaashaandhiga iyo madaxda shirkadda  the Atlantic Marine and offshore Group oo heshiis kala saxiixdey

Wasiirka gaashaandhiga iyo madaxda shirkadda the Atlantic Marine and offshore Group oo heshiis kala saxiixdey

Muqdisho[RBC Radio]Sida uu xaqiijiyey Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Abdihakim Haji Mohamud Fiqi dowladda Soomaaliya waxay heshiis la gashay shirkad ilaalisa xeebaha Soomaaliya taasoo lagu magacaabo the Atlantic Marine and offshore Group, wana shirkad fadhigeedu yahay dalka Holland.

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Abdihakim Haji Mohamud Fiqi ayaa si cadd warbaahinta ugu sheegey in xukuumada xiligaan jirta ee dalka inay heshiis la gashey shirkadd wax ka ogaata xeebaha Soomaaliya

Shirkadda xiligaan ay dowladda Soomaaliya la heshisey ayaa la sheegey inay tahay mid ka shaqeysa arrimaha ilaalinta badaha aduunka,waxama ay ka shaqeyn doonta ammaanka xeebaha Soomaaliya iyo sidii lo horumarin lahaa ciidamada badda ee dalka Soomaaliya.

War ka soo baxay dowladda ayaa lugu shaaciyey qodobo ay heshiska dowladdu kula gashey shirkaddan qodobadaaso oo ay ka mid ahaayen La socodka dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo dekedaha, dhowrista kheyraadka dabiiciga ah, ilaalinta kalluumeysiga sharci darrada ah ee maraakiibta ajaaniba iyo sidii loga hortaggi lahaa in mardanbe in sun lagu daadiyo xeebaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale heshiiska labada dhinac aaya dhigaya in shirkaddan ay ilaaliso xeebaha dalka Soomaaliya, islamarkaana ay ka qeybqaadato dib u dhiska iyo dib u qalabeynta ciidamada ilaalada badda Soomaaliya.

Heshiiskaan waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixey Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya Abdihakim Haji Mohamud Fiqi,waxana la sheegey inay shirkaddu ku howl-geli doonto awaamiirta dowladda Soomaaliya, taasi oo ah heshiis guud oo ay wada gaareen shirkada iyo Madaxda wasaarada gaashaandhiga ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtey in heshiiskan oo soconaya muddo shan sano ah uu dalka u horseedayo xasilooni iyo dib u soo kabashada ilihii dhaqaale ee uu dalku lahaa,iyadoo la sheego in dhib badan lugu qabo xeebaha Soomaaliya.

 
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio

Xafiiska Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Hogaamiyaha alshabaab Axmed Godane oo ka digay kala qaybin iyo burburin uu sheegay in lagu hayo alshabaab

$
0
0

alshabaab 2Muqdisho(RBC Radio) Hogaamiyaha ugu sareeya dhaqdhaqaaqa alshabaab ayaa ka digay kala qaybin uu sheegay in lagu hayo horjoogayaasha alshabaab,Axmed Cabdi Godane oo alshabaab dhexdooda looga yaqaano SH Mukhtaar C/raxmaan Abu Subeyr ayaa ku sheegay cod maqal ah oo la soo dhigay baraha Internet-ka in waxa uu ku sheegay cadowga alshabaab ay ku hawlan yihiin kala dhantaalka Safka alshabaab iyo kala qaybintooda.

Axmed Godane ayaa ku sheegay fariintiisa oo ku socotay ragga daacada u ah alshabaab iney ka digtoonaadaan hagardaamooyin uu sheegay inuu cadowgu la maagan yahay,wuxuuna tilmaamay iney bilaabatay kala furfuridda  iyo burburinta alshabaab iyada oo la adeegsanayo qaabab fara badan.

“Wuxuu  doonayaa cadowgu inuu kala qaybiyo Safka Mujaahidiinta iyaga oo adeegsanaya, siyaabo dhowr ah sida ballan qaadyo ay u samaynayaan madaxda Mujaahidiinta,waxaana ka mid ah waxyaabaha la rabo in lagu dumo in jagooyin sare  laga sinayo dowladda ridada ,in cafis loo fidin doono,in dhaqaalo la siiyo iyo in  laga saaro Liiska argagixisada”ayuu yiri Axmed Cabdi Godane hogaamiyaha alshabaab.

Wuxuuna tilmaamay isaga oo hadalkiisa sii wata in markii la dajiyey khidada ah in la kala qaybiyo alshabaab mar labaad laga fekeray cidda hawshaas fududeyn karta,wuxuuna tilmaamay in hawshaas loo xilsaaray oo ay ku hawlan yihiin, rag ka tirsanaa Maxaakiimtii Islaamka,Odayaasha dhaqanka qaarkood iyo wadamada Eritrea,Turkiga iyo Qadar.

Axmed Godane ayaa ugu baaqay dhalinyarada daacadda u ah alshabaab ineysan dheg jalaq u siin qorshaha la doonayo in lagu kala qaybiyo dhexdooda,wuxuuna ku celceliyey iney waajib ku tahay iney sirtooda qarsadaan gaar ahaan sirta la xiriirta dhanka ciidanka si aysan waxa uu ugu yeeray cadowga aysan ugu sahlanaan iney ka hortagaan weerarada ay la beegsadaan.

Codka maqalka ah ee uu baraha Internet-ka soo galiyey hogaamiyaha alshabaab oo ahaa mid dheer ayaa waxa uu diirada ku saaray xaaladaha adag ee xiligan soo food saaray alshabaab,wuxuuna ka codsaday alshabaab ineysan dhexdooda kala qaybsamin,wuxuuna shaaca ka qaaday in dagaalka ay sii wadi doonaan meel kastane ay ka dagaalami doonaan sida uu sheegay.

Dhawaan ayey ahayd markii Axmed Godane uu weerar ku qaaday magaalada Baraawe halkaas oo uu ku dilay ku xigeenkii Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad Afqaan iyo Macalin Burhaan taasoo sababtay in hogaamiyaashii fikirkiisa diidaan iney ku kala firdhadaan gobolada dalka,halka qaarne ay soo galeen gacanta dowladda,waxaana muuqata in Axmed Godane uu ka war helay iney jiraan rag kale oo ka tirsan alshabaab iney qorsheynayaan iney ka tanaasulaan fikirkaas kuna soo biiraan dowladda federaalka Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Dhacdo Naxdin leh:Koox Hubaysan oo Haween ku xasuuqay deegaan ka tirsan gobolka Galgaduud

$
0
0

deg deg 2Galgaduud(RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa ku waramaya in meel u dhaxay deegaanada Qaydare iyo Maarsamuge lagu dilay 4 haween ah oo la sheegay iney isku qoys ahaayeen,arintan ayaa la sheegayaa iney ka danbeysay kadib markii koox hubaysan oo isa soo abaabushay ay xalay saqdii dhexe duulaan ku qaadeen Aqalka ay Gabdhuhu ku noolaayeen.

Waxaana lasoo sheegayaa in raggaasi hubaysnaa ay rasaas la dheceen guriga ay Gabdhuhu ku jireen,waxaana ay dadka deegaanku ku warameen iney halkaa ku geeriyoodeen 4 Gabdhood halka ay 3 kalane ku dhaawacmeen,dadka deegaanka ayaa sheegaya in falkani uu daba socdo aanooyin qabiil oo muddooyinkii danbe ka taagnaa deegaanadaas.

Hooyada qoyskan dhibaatada ba’an loo geystay ayaa la sheegay in ey xiligaas guriga ka maqneed halka Aabaha reerkune uu hore u geeriyooday,Gabdhaha dhintay ayaa lasoo sheegayaa iney intooda badan ka yaryihiin da’da Qaargaarnimad ayna ahaayeen Carruur agoon ah oo tabaaleysnaa.

Kooxdii geysatay falkaa foosha xun ee waxashnimada ah ayaa goobta ka tagay markii ay dhibaatada geysteen kadib,wararka aynu ka heleyno deegaanka ayaa tilmaamaya in saaka xaaladda dadka deegaanku ay tahay mid kacsan.

Maamulka Ximin iyo Xeeb oo ay hoos yimaadaan deegaanka ay dhibaatadani ka dhacday ayaan ilaa hadda wax war ah kasoo saarin xasuuqa ka dhacay deegaanada uu ka arimiyo, Diinta Islaamka iyo dhaqanka ummadda Soomaalideey ayeysan meelna uga jirin laynta dad Muslimiin ah oo aan waxba galabsan hasa yeeshee Soomaalida oo ku caanbaxday dagaalada salka ku haya aanooyinka qaboolka ayaa hadane ka dhowrsan jiray dhibaateynta Birimagaydada oo Haweenku ay ugu horeeyaan.

 

 

 

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Masuliyiinta Maamulka Shabeelaha hoose oo iska fogeeyey eed uga timi wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya

$
0
0

jidgooyo dhigtaySh/hoose(RBC Radio) Masuuliyiinta maamulka gobolka Shabeelaha hoose ayaa iska fogeeyey eed uga timi wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi taasoo la xiriirta in Isbaarooyinka yaalla gobolka SHabeelaha hoose ay dhigteen masuuliyiinta gobolkaas.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo shalay ka jawaabayey su’aalo ay baarlamaanku ka weydiiyeen in Isbaarooyinka daadsan Shabeelaha hoose ay u yaallaan dowladda,ayaa waxa uu kaga jawaabay ineysan jirin isbaaro lacago lagu qaado oo u taalla ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed marka laga reebo baro cayim oo ciidamadu ay amniga ku xaqiijiyaan.

Wasiirka ayaa baarlamaanka hortiisa ka sheegay in Isbaarooyinka yaalla gobolka Shabeelaha hoose ay u yaallaan gudoomiyaha gobolkaas C/qaadir Maxamuud Nuur Siidii,gudoomiyaha degmada Marka Maxamed Cismaan Yariisow iyo gudoomiyaha deegaanka Lambar 50 C/llaahi Cali Axmed Waafow.

Intaa kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay masuuliyiinta uu wasiirku sida tooska ah ugu eedeeyey masuuliyadda Isbaarooyinka Shabeelaha hoose,gudoomiyaha deegaanka Lambar 50 ayaa nasiib darro ku tilmaamay hadalka wasiirka,wuxuuna tilmaamay in ilaa 20 Isbaaro ay u yaallaan ciidamada Milateriga dowladda,wuxuuna tilmaamay in wasiirku uu xaqiiqda iska indha tiray.

C/llaahi Waafow ayaa sheegay in wasiirku uusan sheegin cidda rasmiga ah ee dhigatay Isbaarooyinka shacabka lagu dhibaateeyo ee yaalla Shabeelaha hoose,wuxuuna dabool ka qaaday in eedaha loosoo jeediyey ay yihiin been abuur wasiirkune uusan ka hadlin xaqiiqda gobolka ka jirta sida uu sheegay.

Mudanayaasha baarlamaanka federaalka oo u yeeray wasiirka Gaadhaandhigga xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi inuu ka jawaabo cidda ay u taallo Isbaarooyinka wadna qabadka ku noqday shacabka ku safra wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo ayaa si cad u sheegay in masuuliyiinta Shabeelaha hoose ay dhigteen Isbaarooyinkaas isagoona magacaabay masuul walba inta Isbaaro ee u taal iyo haka uu dhigtay intaba.

 

 

 

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Gudoomiye Tigey: Maamulka Gal-Mudug waa mid taag daran oon Tabar badan lahayn.

$
0
0

 

 

tigey

Garoowe (RBC RADIO) Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) oo isagoo Garoowe  jooga   la  hadlayay Idaacadaha Gudaha ayaa sheegay in Maamulka Gal-Mudug uu yahay mid Taag daran oo aan Tabar badan lahayn isla markaana uusan buuxin Haykalkii Maamulnimo sidaa darteedna qayb uu ka yahay Amni darada xiliyada qaar ka dhacda Magaalada Gaalkacyo oo dadka wax dila ay ku dhuuntaan halka uu Maamulkaasi ka arimiyo ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo sida uu Gudoomiyuhu hadalka u dhigay.

 

“ Magaalada Gaalkacyo waxaa ka arimiya 2 Maamul oo mid uu taag daranyahay waana Maamulka Gal-Mudug waana wax iska cad in Puntland sida ay Dowlad Dhameystiran u tahay in Gal mudug aysan u dhisnayn oo ay meelo kooban ka taliso aysanna ku filnayn xataa meelaha ay gacanta ku hayso, waxaa ku dhuumaaleysta kuwa fidna-wadayaasha ah oo dadka Gaadmada ku dila waan ognahay mana la inkiri karo waayo waxay arkeen maamul aan isku filnayn oo wixii la doono laga fushan karo in uu ka jiro Koonfurta Soomaliya,Dhankooda kuwo ka socda oo wax soo haleeyey in ay nasoo gaaraan waa laga yaabaa laakiin kama harno ilaa aan soo qanabo sharcigana marsiino sidaana waxaa yiri Gudoomiye Tigey.

 

Mudane Tigey Mar uu ka hadlayay Arimaha Amaanka Gaalkacyo wuxuu sheegay in Amniga Magaalada iyo kan Gobolka uu yahay mid degen oo ay joogaan ciidamo kala duwan oo Puntland ka tirsan  balse wuxuu sheegay Tigey in ay jiraan Kooxo Damiir laawayaal ah sida uu hadalka u dhigay kuwaasi oo Gabal liicii iyo Salaada Cishe inta u dhexaysa Dilalka Geysta kadibna baxsada wuxuuse ugu baaqay dadka wax garadka ah iyo kuwa wax ku oolka ah ee dilalka lala damacsanyahay in ay waqtiyadaa iska ilaaliyaan oo dadka wax dilaa aysan habeenkii Sagaalka fiidnimo wixii ka dambeeya aysan Talaabo qaadi Karin sida uu Gudoomiyaha Gobolka Mudug  Sheegay.

 

Gudoomiyaha oo laga wareystay Xuska Maalinta 1da Augost oo ku beegan Maalinnimada Beri oo Khamiis ah ayaa sheegay in Gobolka uu si wacan ugu diyaar garoobayo Sugida nabadgelyada iyo Xuska Maalintaasi isagoo sheegay in ay iska jiritaan Cadaw Carqaladeeya Xuska Maalintaasi balse wuxuu hoosta ka xariiqay in Cidanka Amniga ee Gobolka iyo Guud ahaan Puntland heegan buuxa la gelshay oo ay Amniga si buuxda u sugi doonaan.

 

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) ayaa iminka ku sugan Magaalada Garoowe  sida uu sheegayna wuxuu ka qayb gali doonaa Munaasabada 1da Augosta oo la filayo in lagu qabto Xarunta Madaxtooyada Habeenimada Jimcaha ee fooda nagu soo haysa kadibna uu u baqooli doono Magaalada gaalkacyo,gudoomiye Tigey ayaa dhawr Jeer sheegay in uu wax badan ka bedelay Gobolka Mudug Marka loo eego dhanka Amniga, Dhalinyarada, Dhaqaalaha, iyo Deegaanka isagoo soo saaray Barnaamij wax qabadka Gobolka looga hadlayo oo la magac baxay Mudug Shalay iyo Maanta.

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Mudanayaasha baarlamaanka federaalka oo isku raacay raadinta xuquuqda baarlamaankii hore

$
0
0

baarlamanka 2Muqdisho(RBC Radio) Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa isku raacay in la raadiyo xuquuqda ka maqan mudanayaashii baarlamaankii ku meelgaarka ahaa ee waqtigiisu dhammaaday,mudanayaal ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa gudoonka sare ee baarlamaanka u gudbiyey codsi la xiriira in baarlamaanka baadi doono xuquuqda ka maqan mudanayaashii hore ee baarlamaanka.

Mudanayaasha ayaa baarlamaanka ka hor jeediyey iney muhim tahay raadinta xuquuqda mudanayaashii hore ee baarlamaanka oo ay sheegeen iney xiligan haystaan duruufo nololeed oo aad u adag,waxayna sheegeen in qaarkood loo haysto lacagaha Hoteeladii ay daganaayeen.

Mudanayaasha codsiga u gudbiyey gudoonka baarlamaanka ayaa soo jeediyey in xildhibaanadii hore loo raadiyo xuquuqihii hore uga maqnaa,in loo qoro gunnooyin ay iskaga deberaan Jiifka iyo in loo sameeyo Kaarar ay ugu tagi karaan madaxda ugu saraysay ee dalka marka ay u baahdaan.

Gudoomiyaha golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa intaa kadib ku dhawaaqay in soo jeedintaas cod loo qaadayo,waxayna xildhibaanadu u qaadeen cod gacan taag ah,Jawaari ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan mudanayaashii goob kulanka fadhiyey oo tiradoodu gaaraysay 165 xildhibaan ay isku raaceen raadinta xuquuqda ka maqan mudanayaashii baarlamaankii hore ee kumeelgaarka ahaa.

Gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa arintaasu u saaray gudi ka kooban 3 xubnood kuwaas oo soo diyaariya waraaq qoraal ah si xukuumadda loogu gudbiyo iyane ay uga soo jawaabto,xildhibaanadii hore ee baarlamaanka ayaa tan iyo markii la yagleelay baarlamaanka cusub waxa ay wadeen cabasho ku saabsan in loo raadiyo xuquuqdooda.

 

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Dowladda federaalka Soomaaliya oo sheegtay iney maalmo gudahood ku qaadi doonto Isbaarooyinka yaalla gobolka Shabeelaha hoose

$
0
0

fiqigaMuqdisho(RBC Radio) Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday in muddo maalmo gudahood ah ay ku qaadi doonto Isbaarooyinka faraha badan ee daadsan wadada Xiriirisa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo gobolka Shabeelaha hoose.

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo baarlamaanka hortiisa ka hadlayey ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ay wado qorshe ay ku dooneyso iney Isbaarooyinka kaga sifeyso  gobolka Shabeelaha hoose.

Fiqi ayaa sheegay in dowladdu ay ku guuleysatay qaadista Isbaarooyinkii faraha badnaa ee Muqdisho dhexdeeda yaalla,wuxuuna tilmaamay in madaxweynaha Jamhuuriyadda  Soomaaliya Xasan SH hore amar buuxa uga soo saaray in Isbaaro shacabka lagu dhibaateeyo la dhigto.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in dowladdu ay ka war hayso Isbaarooyinka yaalla Shabeelaha hoose,balse waxa uu tilmaamay in arintaas hirgalinteedu ay u baahan tahay qorshe ciidan iyo dhaqaalo lagu fuliyo,wuxuuna hoosta ka xariiqay in muddo 2 maalmood gudahood ah la qaadi doono Isbaarooyinkaasi.

Gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa ka taagan dhibaato ka dhalatay Isbaarooyin si indha la’aan ah loo dhigtay wadooyinka gobolkaas,arintaas oo ay walaac iyo cabasho badan ka muujinayaan shacabka ku dhaqan gobolkaas oo dowladda marar badan ugu baaqay iney ka dulqaado Isbaarooyinkaasi.

 

 

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Gudoomiye kuxigeenkii magaalada Baydhabo oo Muqdisho ugu geeriyooday dhaawac dhawaan Baydhabo loogu gesytay

$
0
0

baydhaboMuqdisho(RBC Radio) Alla ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku geeriyooday Gudoomiye ku xigeenkii degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay Marxuum Maxamed Macalin Ibraamih Dhaladheere oo rag ku labisan dirayska ciidanka dowladda Soomaaliya ay 18kii bishan  ku dhaaweceen magaalada Baydhabo.

Marxuumka ayaa dhaawiciisa waxaa loo soo qaaday Cisbitaalada magaalada Muqdisho si loogu dabiibo,Malaaq Deerow Yacquub Cali oo ka tirsan  waxgaradka gobolka Baay kana mid ahaa dadii Muqdisho ku baxnaaninayey dhaawaca gudoomiye ku xigeenkii degmada Baydhabo ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Marxuumku uu geeriyooday.

Malaaqa ayaa waxa uu sheegay in Marxuum Maxamed Macalin Ibraamih Dhaladheere uu ka dhaawacnaa dhanka caloosha oo ay kaga dheceen 4 xabbadood,wuxuuna intaa ku daray in lagu guul darraystay  qaliin looga sameeyey   caloosha,wuxuuna xusay in Xabbadihii ku dhacay ay dhammaan jarjareen Xiidmaha taasine ay keentay in dhaqaatiirtu ay wax ka qaban waayaan xaaladiisa caafimaad.

Wuxuuna tilmaamay Malaaq Deerow in Maxamed Macalin uu naf baxay ka hor Saaka Salaadii Subax ee maanta ,Malaaqa ayaa Alle uga baryey Marxuumka inuu u naxariisto,eheladiisa iyo Qaraabadiisane uu Samir iyo Iimaan ka siiyo  geerida naxdinta leh ee ku timi gudoomiye ku xigeenkii magaalada Baydhabo Maxamed Macalin Ibraahim oo ku magac dheeraa Dhaladheere.

Malaaq Deerow ayaa ku baaqay in waxgaradka iyo Samadoonka gobolka Baay ay si deg deg ah uga fariistaan dilka gudoomiye ku xigeenkii degmada Baydhabo si looga fogaado in dagaal wax lagu xaliyo,rag ku labisanaa Dirayska ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa rasaas ku furay gudoomiye ku xigeenka Baydhabo bilowgii bishan barakaysan ee Ramadaan wuxuuna ugu danbayntii maanta Muqdisho ugu geeriyooday dhaawicii kasoo gaaray weerarkaasi.

 

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Ciidamo Boolis AMISOM ah oo ka kala socda dalalka Ghana iyo Nigeria oo Baydhabo gaaray

$
0
0

 

Baydhabo(RBC Radio) Ciidamo ka tirsan booliska AMISOM oo ka kala socda wadamada Ghana iyo Nigeria ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ay dhawaan si buuxda uga bexeen ciidamada dowladda Ethiopia oo in muddo ah gacan ka geysanayey sugida amniga magaaladaasi.

Gudoomiyaha maamulka gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow ayaa warfidiyeenka u xaqiijiyey iney magaalada Baydhabo ay gaareen cutubyo ka tirsan booliska nabad ilaalinta AMISOM,gudoomiyaha ayaa sheegay in booliska AMISOM ee Baydhabo la geeyey ay ka kala socdaan wadamada Ghana iyo Nigeria.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in ujeedka ciidanka AMISOM gaar ahaa booliska AMISOM loo geeyey magaalada Baydhabo ay tahay sidii AMISOM ay booliska Soomaaliyeed gacan uga siin lahayd sugidda amniga magaalada Baydhabo oo ay dhawaan amnigeeda la wareegeen ciidanka AMISOM kadib markii ciidankii Ethiopia ay banneeyeen.

Cabdi Aadan Hoosow ayaa dhanka kale  ka tacsiyeeyey geerida ku timid gudoomiye ku xigeenkii magaalada Baydhabo Alla ha u naxariistee Maxamed Macalin Ibraamih Dhaladheere oo Muqdisho ku geeriyooday,wuxuuna tilmaamay iney in muddo ah soo wada shaqeeyeen.

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Gudoomiye Qarjab: Ciidanka Amnigu wey ka hortagayaan isku dayga Alshabaab ee Khal-Khalgelinta Amniga Puntland.

$
0
0

qarjab raxanreeb

(Garoowe RBC RADIO) Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa sheegay in Ciidanka Amniga ay horay u bilaabeen habeenadii lasoo dhaafay ayna sii xoojin doonaan hawlgallo Amniga lagu sugayo kaasoo looga hortagayo Falal Amni Daro oo Alshabaab ay doonayaan in ay ka fuliyaan Deegaanada Puntland siiba Caasimada Puntland ee Garoowe, wuxuuna xaqiijiyay in ay socdaan kulamo wax ku ool ah oo Amaanka looga hadlayo leyskana kaashanayo sidii loo adkeyn lahaa qaybaha Bulshada,Hay’adaha Goobaha Dowlada iyo Meel kasta oo Gobolka ka mid ah siiba inta lagu guda jiro Xuska 1da Augost iyo Ciidul Fidriga sida uu Gudoomiyu yiri.

 

Cabdi Xirsi Cali qarjab wuxuu hadalkiisa sii raacshay in magaalada Ay guri guri u gali doonaan ciidamadana ay socod ku maridoonaan habeenkii wadooyinka waawayn ee magaalada iyo agagaarka hoteelada iyo goobaha leysugu yimaado cidii ay ka shakiyaannah gacanta ayeey ku dhigayaan haduusan dabi lahaynah wey sii deyn hadii kalena sharciga ayaa la marsiin ayuu yiri Guduumiyuhu, isagoo Bulshada ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidanka is faham wanaagsannah uu dhex-maro si looga badbaado buu yiri shirqoolka Puntland lala damacsanyahay.

 

Mudane Qarjab wuxuu kaloo ka hadlay dadka gawaariada ku dhegsada Bacaha Madow ee aan waxba laga arkin iyo kuwa garwaaridoodu ay kusoo dagaan Muraayadaha Madowga ah isagoo sheegay in arintaasi kalhore go’aan laga soo saaray hadana ay ku baaqayaan in talaabadaasi laga waantoobo oo la joojiyo ciidanka Amnigana ay u xilsaaran yihiin in ay dadkaasi soo qabtaan gawaaridana laga xareeyo isagoo taasi ku micneeyey in ay kusoo dhex dhuuman karaan dad fidno wadayaal ah oo doonaya in ay dhibaateeyaan amaanka Puntland.

 

Hadalka Gudoomiyaha ayaa kusoo beegmaya iyadoo Beri ilaa habeen dambe lagu wado Deegaanada Puntland in laga xuso Munaasabada 1da Augost oo ku began markii Puntland la unkay, iyo Munaasabada Ciidul Fidriga oo Waqti kooban ay ka harsan tahay sidaa darteedna la doonayo in Amaanka la adkeeyo kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in Kooxda Alshabaab ay qorsheyneyso weerar ka dhan ah Puntland.

RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Guddiga qaban-qaabinaya shirka Issimada Puntland oo sheegey in qaban-qabadisa ay marayso heer gebo-gebo ah

$
0
0
Magaaladda lugu wado inuu shirka ka furmo Qardho

Magaaladda lugu wado inuu shirka ka furmo Qardho

Qardho[RBC Radio]Magaaladda Qardho ee xarunta gobolka Karkaar Puntland waxaa lugu wada dhawaan inuu ka furmo shir ay yeelanayaan Issimada Puntland,shirkaas ayaa xiligaan la sheegey inuu heer gebo-gebo ah marayso qaban-qabadisa.

Maal mihii anuu soo dhafney waxaa shirar Qardho ku yeelanayey guddiyada loo xir-saaray shirka Issimada iyagoona ka doodayey habka uu u qabsomi karo shirka iyo nooca shirka uu noqon doono.

Guddiga shirka qaban-qaabinaya ayaa maantey shir ay ku yeeshen Hotel Alla-Aamin ee Qardho waxaa ay ka soo saaren war-murtiyeed ay uga hadlayaan halka ay wax umarayaan,waxana ay ku faah faahiyen wax yaabihi uga qabsoomeyey shirarkii ay yeelanayen,waxana ay tilmaamen inuu si wanagsan ku soo dhamaadey kulamadooda ay kaga arrinsanayeen nooca shirka uu noqon doono iyo qaban-qaabadisa guud.

Sidoo kale waxaa shirkooda guddiga ay ku qeybiyeen war-murtiyeed ka soo baxay guddiyada shirka abaabulaya, iyadoo war-bixintaas dadweynaha iyo bulshada qeybeheeda loo qeybiyey ay ku qornaayeen dhaliilaha wakhtigan ka jira Puntland.

Afhayeenka Guddiga qaban-qaabada shirka Issimada Puntland Mustafe Siciid “Shabac” ayaa saxaafada kula hadley guddaha Hotelka waxana uu si durugsan uga hadley wax yaalaha lugu wado inay isla soo qadaan Issimada Puntland inta uu shirkooda Qardho socdo.

…”"”Issimadu waxay ka arrinsanayaan aayaha Puntland waxana ay isla soo qadi doonan sidii loogu shaqen laha horumarka dalka iyo deegaanka..”"ayuu yiri afhayeenka Guddiga qaban-qaabada shirka Issimada Puntland.

Issimada Puntland

Issimada Puntland

Mustafe Siciid “Shabac” afhayeenka Guddiga qaban-qaabada shirka Issimada Puntland ayaa sidoo kale hadalkiisa kusoo qadey in issimadu ay ka shiri doonaan horumar la’aanta ka jira Puntland taaso uu sheegey in hoosu dhac laga dareemayo adeegyada horumarineed ee horey ujirey.

…”"”Issimadu waxaa ay kalo ka hadli doonan horumar la’aanta ka jira Puntland taaso saamen ku yeelatey adeegyada horumarineed ee Puntland ka jirey,waxana laga arrinsan doona sidi loo kabcinkaro horumarka Puntland…”"”ayuu ku sheegey hadalkiisa.

Shirakaan guddiga loo xilsarey qaban-qabadisa ay sheegen inuu heerkisa ugu danbeyey marayo ayaa horey Wasaarada arrimaha gudaha ee Puntland oo ka hadashey waxay tilmaamtey in aysan waxba kala socon shirka kaasi ka dhacaya xaruunta gobolka Karkaar.

Si kasto ay ahaataba tan iyo bishii hore ayaa abaabulka shirkaasi wuxuu ka socday magaalada Qardho iyadoona xiligaan la sheegey in furitankiisu uu soo dhawyahay.

 
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Puntland oo Shaqaalihii kala fasaxday 1da Augost Awgeed.

$
0
0

 

indha guran

(Garoowe RBC RADIO) Wasiirka Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland C/wali Xirsi C/Dulle    oo   Magaca Dowlada Puntland ku hadlayay wuxuu sheegay in Shaqaalaha Puntland meelkasta oo ay joogaan ay fasax yihiin Maadaama beri ay ku beegantahay 1da Augost oo ah Markii la dhisay Maamulka Puntland wuxuuna Wasiirku sheegay in Shaqaalaha ugu hambalyeynayo Maalintaasi in ay farxada iyo isku hambalyeynta ay la wadaagaan Ilmahooda iyo Xaasaskooda sida uu wasiirku yiri.

 

“ 1da Augost waa maalintaanu dhisanay Maamul aan u madaxbanaan nahay oo cidina aysan inala wadaagin waa maalin naga mudan inaan u dabaal degno farxadna kusoo dhaweyno, waa maalin laabteena aan sinaba uga go’ayn sidaa darteed ayaanu shaqaalaha u fasaxnay si ay damaashaadka iyo soo dhaweynta 1da Augost uga qayb galaan,Sidaana waxaa yiri Wasiir (Indha-Guran)

 

Qaban qaaba xoogan ayaa wali Kasocota Degmooyinka waaweyn ee Puntland qaasatan Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland oo si weyn loogu diyaargaroobayo Munaasabada habeen dambe ka dhacaysa Xarunta Madaxtooyada iyadoo la filayo in TVyada Soomalida qaar kood ay si toos ah Xafladaasi usoo tabin doonaan inkastoo warkaasi aan wali si rasmi ah loo xaqiiijin.

RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Al-Shabaab oo siidaysey labo sargaal oo Kenya u dhashey kuwaaso muddo gacantoda ku jirey

$
0
0

79E8C0FD-DD74-4DCC-AAEA-E00FDABDB4CB_mw1024_n_s

Nairobi[RBC Radio]Waxaa maantey dib xoriyadoodi u heley sida ay sheegtey dowladda Kenya laba sarkaal oo ururka al-Shabaab uu bilowgii sannadkii hore ka soo qafaashay degmada Wajeer oo u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Labadaan sarkaal ee ka baxay gacanta xoogagga al-Shabaab ayaa lugu kala magacaabaa Edward Yesse Mule iyo Fredrick Irungu Wainaina,illaa hadda ma jirto wax faah faahin ah oo laga bixiyay sida ay ku suura gashay in xoogagga al-Shabaab ay sii daayaan labadani Sargaal ee afduubka ay u haysteen.

In kastoo maantey warar ay qorayaan warbaahinta Kenya lugu sheegey in labadan sarkaal lagu sii daayay wadahadallo lagu guuleystay oo dhexmarey xubo ka tirsan kooxdii heysey iyo dowladda Kenya.

Edward Yesse Mule oo ka mid ah labada sargaal ee maantey xoriyadoodi ka heley gacanta al-shabaab ayaa laga ka xeystey gobolka Wajeer bishii jan 2012-kii,qar ka mid ah qoyska uu ka soo jeedo sargaalkan ayaa warbaahinta u caddeyey in la soo dayey uuna dib ula midoobey.

Sargaalka kale oo isna la yirahdo Fredrick Irungu Wainaina waxaa uu isna ahaa sargaal ka tirsanaa wasaaradda socdaalka ee dalka Kenya,waxaa isna la caddeyey inuu ka baxay gacanta al-shabaab kadib wadahadallo dhacay.

Horey xoogagga al-Shabaab barta ay kuledahay Tuwiitarka waxay soo dhigeen muqaal ay ka soo duubeen xiligii labadaan sargaal gacanta ay ku hayeen,waxay ku sheegen inay labadan nin ay sii deyn doonan markii ay dowladda Kenya soo deyso ma xaabis ay ka heyso ururka,lama sheegen in dowladda Kenya wadahadallada ay la gashey al-Shabaab inay ku sii daayen maxaabisti ay horey u sheegen in loo soo dayo al-Shabaab.

12 bishii janaayo 2012-kii ayey ahyeed marki gacanta ay ugaleen al-Shabaab labadaan sargaan oo muddo gacanta ururka ku jirey balse hadda la sii dayey.

 

Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Kooxo hubeysan oo Baladweyn ku dilay afhayeenkii Odayaasha Dhaqanka gobolka Hiiraan

$
0
0

raxanreeb 1

Baladweyne[RBC Radio]Wararka ka imaanaya magaaladda Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa soo sheegaya in halkaa lugu diley afhayeenkii Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan.

Dilkaan ayaa sida ay Raxanreeb.com u xaqiijiyen dad goobta uu dilka ka dhacay ka agdhawa waxaa uu ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne,waxana geestey saddex nin oo bistoolado ku hubeysan.

Afhayeenkii Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo lugudiley Baladwene ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xuseen Cilmi Ibraahim,illa iyo haddana lama xaqiijin sababta iyo cidda ka dambeysa dilka afhayeenka.

Wax war ah wali kama aysan soo sarin dilkaafhayeenka maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakisha AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Baladweyn,arrintaan ayaa waxaa ay ka dhigeysa inuu wali Baladweyne ka socoto dilalka qorsheysan ee ka dhaca goobo ka mid ah dalka.

Horaanti bishaan anuu ku guda jirno ayaa waxaa guddaha magaaladda Baladweyne lugu diley guddoomiye ku-xigeenkii labaad ee maxkamadda magaaladaas, Macallin Xasan Cilmi Ciyow,kaaso xiligaan dilkiisa loo hayo dhowr qof.

Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Axmed Karaash oo ka hadley haddii ay wada hadal la galayaan Puntland beeniyeyna in Soomaaliland ay shidaal ka baareyso deegaana dooda

$
0
0
Axmed Cilmi Cismaan "Axmed Karaash"

Axmed Cilmi Cismaan “Axmed Karaash”

Taleex[RBC Radio]Axmed Cilmi Cismaan “Axmed Karaash”oo ka mid ah golaha madaxtooyadda ee Khaatumo ayaa xili uu lahadlayey warbaahinta guddaha waxaa uu ka warbixiyey arrimo badan oo la xiriira xaaladda Khaatumo.

Axmed Karaash waxaa uu sheegey in xiligaan deegaanada Khaatumo ay yihiin kuwo nabdoon oo ay ku sugan yihiin xubno taabacsan Khaatumo kuwaaso ah dadka deegaanka oo iyagu markii horaba sida uu sheegey dhistey maamulka Khaatumo.

Waxaa uu hadalkiisa ku faah faahiyey arrimo dhor ah oo ay ka mid yihiin warar sheegayey in shidaal laga baari doono deegaanada Khaatumo ayna baari doonan shirkadoo baara shidaal oo ay kentey maamulka Soomaaliland oo kusugan deegaano ay sheegtan Khaatumo.

Shidaal baarista

Axmed Karaash oo hadalkiisa ku hormarey wararka la xiriira shidaal baris dhawaan ka bilaban doonta sida la sheegey deegaano dhor ah oo ka tirsan maamulka Soomaaliland ayaa haddana waxaa la sheegay in deegaanada shidaalka laga baari doono ay ka mid yihiin deegaano katirsan Khaatumo,waxana uu uga jawaabey hadalka inay yihiin waxba kama jirana ayna maamulka Soomaaliland ka baari karin shidaal deegaano katirsan Khaatumo sida uu hadalka u dhigey.

…”"”Arrintaan la sheegayo ee ah in shirkado hishiis la soo galey Soomaaliland ay ka baari doonan shidaal ma ahaa war anu maqalney,mana anuu ogi,kaliya waxaa nugu maqaala ah in wafti dhawaan naga tagey inay Nairobi kula kulmeen UN-ka ah waxana ay heleen shirkado ku howlan inay shidaal baaran kuwaaso heshiis ay la soo galen Soomaaliland balse waanu ka daba tagney oo heshiisyada waa la buriyey UN-kana waa ay soo dhex galeen oo waxay dagniin siiyeen dowladda ay ka yimaaden shirkadahaan doonayey inay baaritan shidaal kuwaas heshiis an waxba ka jirin ay la galeen Soomaaliland balse hadda arrinta waanu buriney oo hadda wax shidaal baaris ah ma jiraan mana jiro doonan,haddii deegaanada Khaatumo shidaal laga baarayo dadkeeda ka baaranaya ee cidkale ma baari doonto…”"”ayuu yiri Axmed Karaash.

Sidoo kale Axmed Karaash waxaa uu ka hadley in ciidamo dhawaan ka goostey Khaatumo una goostey Soomaaliland kuwaaso loo taba barayo inay ilaalo unoqdaan shirkadaha shidaalka ka baaraya deegaanada Khaatumo,waxana uu si kulul u sheegey inaysan jirin warka ciidamana aysan ka goosan Khaatumo balse waxaa uu sheegey in labo gaari un ay ka goosten.

…”"Ma jiraan horta wax ciidan ah oo naga goostey ee waxaa Soomaaliland u tagey waa labo gaari oo an anigu gacanta ku hayeey kuwasna hab qabiil ayey nogala tageen labada gaari oo ay horey iyagu u lahaayen…”"”ayuu yiri Axmed Karaash.

Shirkii lugu dhisey Khaatumo iyo degmada Taleex

Shirkii lugu dhisey Khaatumo iyo degmada Taleex

Mar wax laga weydiyey deegaanada ay ka arrimiyaan maamulkoda Khaatumo ayuu waxaa uu sheegey in kaliya magaaloyinka Lascaanod iyo Xudun ay gacantooda ka maqan yihiin balse ay kusugan yihiin inta kale goboladda Sool,Sanaag iyo Ceyn,waxaa uu hadalkiisa ku darey in deegaanada ay joogan Puntland inay yihiin dad jooga dhulkooda balse aysan meelna ka heysan Khaatumo.

Arrimaha Puntland

Axmed Cilmi Cismaan “Axmed Karaash” ayaa sheegey in dowladda Puntland iyo Khaatumo inaysan waxbadan isku diidaneen marka laga tago maamulka kore,waxana uu sheegey inay isku dadyihiin ayna isku dhafan yihiin.

Waxaa uu sheegey in Khaatumo ay ku dhisantay caro ay maamulka Puntland keenen taaso ku aadan inay dhulkii xoreen waayen ayuu ku sheegey inay ka danbeysey inay dhismaan kuna dhawaaqan maamulka Khaatumo.

…”"Puntland iyo Khaatumo waxbadan iskuma diidana maamulak sare un mooye waa isku dad wana ay isku dhafnaayen,caro ay Puntland maamulkeedu kenen bay Khaatumo ku dhisan tay taaso ah inay dhulkii la xoren waayey balse shacabku waa isku mid…”"ayuu yiri Axmed Karaash.

Axmed Karaash ayaa sidoo kale wax laga weydiyey inay iyaga iyo Puntland wax wada hadal ah uu dhex marey ayna isku dhinac noqdaan,balse waxaa uu sheegey in Puntland xiriir isirnimo uu ka dhaxeyo,isagoona intaa ku darey inaysan wax dal ah ka qabsan aysan doonena inay dhul naga qabsadaa ayna wada hadli karaan sida uu hadalka u dhigay.

Axmed Karaash waxaa uu sidoo kale hadalkiisa ku soo qadey inay Puntland ka doonayan inay gacan qabato oo ay u aragto wiil yar oo walalkood ah oo uu dhashey ayna latagaan meshey tagaan.

…”"”Puntland iyadaan ka doonayna inay na gacan qabto oo ay noo aragto wiil yar oo walaalkod ah una dhashey si au ula tagno meshey tagaan…”"”ayuu kusoo qadey hadalkiisa Axmed Karaash.

Maamulka Khaatumo ayaa muddo dhisan kaaso lugu dhisey degmada taarikhiga ah ee Taleex,xiligana saldhig uu ah.

 

Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Dayaca gaalkacyood iyo dooxatada ina Godane (asbaabaha iyo xalka) W/Q Shiikh Cali Xuseen

$
0
0

Dayaca gaalkacyood iyo dooxatada ina Godane (asbaabaha iyo xalka)
Shiikh Cali Xuseen
shiikhali622@yahoo.com
Agoosto 01 2013

MAQAALInkastoo dhibaatooyin badan kajiraan guud ahaan gayiga soomaaliyeed hadana waxaad moodaa magaalada Gaalkacyo inay ka jiraan dhibaatooyin aysan la wadaagin wadanka intiisa kale.

Marka laga hadlo Puntland way ka dhacaan qalalaaso , dilal iyo rabshado dadka dhib u keena laakiin magaalooyinka kale way ka dagan yihiin, dadka ku noolna way ka rajo fiican yihiin.

Dhibaatada ugu daran ee aan maqaalkaan uga hadlaynaa waa dilalka aan kala go,a lahayn ee magaaladaas aafeeyey gaar ahaan kuwa ay gaystaan amniyaadka alshabaab iyo sababaha keenay in loo maaro waayo iyo waliba sidee loogu heli karaa xal munaasib ah.

Goormay bilowdeen

Waxay ka bilowdeen magaalada dilalkaasi abbaare sanadkii 2007dii waxaana lagu bilaabay odayaal , waxgarad,culumo, nabadoono iyo haldoorkii magaalada waxaa ku xigay dadka ka shaqeeya maxkamadaha, danbi barista ,gudoomiyayaasha xaafadaha, nabadsugida iyo dabagalka. Waxaa ku jiray ganacsato, wariyayaal, xildhibaano baarlamaan. Waxaan dhihi karaa ma jirto qayb kamida bulshada oo ka badbaaday dilalkaas xataa waxaa kamid ahaa ninkii magaalada u qaabilsanaa dhaqida maydka . xataa waxaa ku jiray dhalin yaro yaryar oo arday ah oo la garan waayey waxay u beegsadeen.

Dilalkaas wali xawli bay ku socdaan bishaan kaliya waxaa lagu dilay sadex marxuum, waxaanan is leeyahay magaaladu waxay kaliya oo dilka ka nasataa bilo kooban oo aan filayo inay tahay marka la kala badalayo labo kooxood.

Waxaa kaloo ka barakacay magaalada in badan oo kamida dadkii bulshada waxgalka u ahaa, inta faro kutiriska ah ee ku hartayna waxay ku nool yihiin ciriiri iyo welwel faro badan iyo kharash badan oo uga baxa is waardiyaynta, si xoriyad ah uma socon karaan qaarkood waxay seexdaan hoteelo si aada loo waardiyeeyo.

Hadaba maxay yihiin sababaha keenay in loo maaro waayo dhibaatadaan ayadoo guulo la taaban karo laga gaaray magaalooyinka kale ee Puntland?.

1) Maamulka .

Laga soo bilaabo dhismihii maamulka Puntland waxaa la dhihi karaa kama hana qaadin gobolka maamul shaqeeya si la siman magaalooyinka kale ee waawayn ee Puntland. waxaana awoodiisu ku koobnayd aruurinta canshuuraha iyo ilaalinta kastamada lacagta badani ugu soo xarooto. Arintaan dhamaan dadka xog ogaalka ihi way la socdaan, dadka aan la socon waxaa tusaale u noqon kara in awoodii dawladnimo ee gobolku ay gacanta u gashay jifooyin sidaa awgeed dhaqdhaqaaq kasta oo uu sameeyo maamulku waxaa loo arkaa dhaqdhaqaaq qabiil, taasoo aysan waxba ka qaban Karin dadka kasoo jeeda beelaha kale. Halka mar kasta oo maamulka dhexe u baahdo inay gobolka hawl ka qabtaan ay u soo diraan ciidan iyo madax ka socota maamulka sare , waxaana iila fiicnaa waxqabad ahaan taliye xigeenka booliska puntland general Muxiyadiin oo shabaabku markay ka lug bixi waayeen ay baabuur ku qarxiyeen inkastoo uu ka badbaaday.

In badan oo kamid ah ciidamada dawladu mushaarka siiso ayaa hoos ahaan u nidaamsan hab beeleed inta badana masaalixda jifooyinkaas ayey ilaaliyaan, sidoo kale madaxda maamulka gobolka waxaa ku jira qaar la magacaabay xiligii la unkay Puntland sida muuqatana aan lagaba qaadi Karin meelaha ay joogaan cabsi laga qabo ciidamadaas iyo jifooyinkaas is huwan. marabo inaan ku dheeraado dhinacaan laakiin ma jiro maamul qaadan kara masuuliyadaas uu ku xalin karo dhibaatada baaxadeedu intaa le,eg tahay.

2) Dadka oo hubaysan.

Kalsooni darada ay beelaha degan magaaladu ka qabaan maamulka gobolka ayaa keentay in beel kastaa hubaysan tahay sidaa awgeed maamuku ma qaban karo qofkii laga shakiyo . waxaana kaliyoo marmar dadkaas qabqabta ciidamo laga soo diray Garoowe. Waxaana tusaale kuugu filan dagaalkii balaarnaa ee ka dhacay xaafada Garsoor kaasoo uu sababay markii maamulku isku dayey inay qabtaan dad ay ka shakiyeen. Sidaa awgeed dhamaan taageerayaashii Shabaab dadkii ku qancsanaa afkaar ahaan sidoodii bay u joogaan ayadoo dadka noocaas ah laga sifeeyey magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso rag iyo dumarba . Dadkaani way ka khatar badan yihiin dhalinyarada dadka laysa ee shabaabku soo diraan iyo kuwa soo dirayba sababtoo ah waxay siiyaan xogta, waxay u soo gudbinayaan dhaqaalaha, waxay u kiraynayaan guryaha , waxay u diyaarinayaa bastooladaha ay wax ku dilaan, tusaale ahaan wiilashii fuliyey dilkii culumada qaarkood oo la qabtay waxay sheegeen in bastooladihii shiikha lagu dilay ay soo galisay magaalada qof dumar ah. Waxaa kaloo tusaale cad ah 2010kii waxaa qarxay guri ku yaal magaalada oo lagu diyaarinayey qarax, gurigaas waxaa kireeyey labo nin oo la yaqaan oo kamida dadka magaalada u dhashay isla markiiba magaalada way ka carareen.

3) Mushkilada oon cadayn.

Waxay caan ku yihiin amniyaadka Alshabaab in dilalkooda foosha xun ay dabool uga dhigaan dacaayado iyo borobogaando ay ku jaahwareerinayaan umada. Inbadan oo umada kamid ihi wali way ku qanci la, yihiin in dhibaatooyinkaas ay ayagu gaystaan. Inkastoo ay dheceen dhacdooyin daaha ka qaaday hagardaamooyinkaas sida dilkii ay u gaysteen labadii sheekh ee Dr Ahmed iyo Sh C/qadir. Inta jaahwaareerkaani jirona wali xalku ma dhawa.marmarka qaarkoodna beelaha walaalaha oo wada dagan oo ayaga haldoorkoodii la laynayo ayaaba is tuhma.

4) Khadka cagaaran

Waxaan oran karaa waa mushkilada ugu wayn ee Gaalkacyo uga duwan tahay Garoowe iyo Boosaaso , maxaa yeelay magaaladu waa hal magaalo oo labo maamul kajiraan , shacabka labada dhinacna waxaa ka dhexeeya kalsooni daro waligeed soo jirtay xataa xiligii talyaaniga waxay u kala dhuuman jireen gumaystaha oo isku diri jireen, waatuu yiri gabayaagii soomaaliyeed :

Garkaa iyo garkaas dadkaas ### labada geesooda
Reer gaalkacyood iyo sharciga ### yaw garnaqi doona.

Sidaa awgeed labada dhinac midna xanuun kuma hayso dhibaatada dhinaca kale haysata,wayna adag tahay in la helo iskaashi labada dhinac ah oo wax looga qabanayo hawshaas.

Magaaladu waa isku dhisan tahay mana jirto calaamad u dhaxaysa oo lagu kala garan karo sidaa awgeed aad bay amniyaad shabaabku uga faaiidaysteen kala qaybsanaantaas aan la isu gudbi Karin waxna la wada qabsan Karin. Bulshada Galmudug ma taageersana shabaabka xataa kuma dhex laha taageerayaal macno leh. hadaba amniyaadku maadaama ay dhinacaas wax ku laayaan dhinacaan iskuma soo jeediyaan si aan loogu midoobin la dagaalankooda. Mida kale waxay dagaan inta badan meelaha labada xaafadood iska galaan si dhinac walba ugu maleeyo wiilsha magaalada ku cusub oo ay u soo diraan laynta dadka dhinaca kale, ayadoo waliba xaafadahaas ay ku badan yihiin dadka kasoo barakacay koofurta Soomaaliya. Waxaa kaloo jira dad ganacsi ahaan ugu xiran shabaabka oo wax u kala gudbiya oo labada dhinacba ah. Dadkaas qaar waa baabuuuray wax qaada, qaarna waa ganacsato lacagaha u kala xawila.

Maadaama aysan labada dhinac isu gudbi Karin way adag tahay in la qabto gacan ku dhiiglaha. Wax wada shaqayn ah oo ka dhexeeyaa labada maamunal majiraan.

Hadaba maxaa xal ah?

Ma sahlana in mushkiladaan si fudud loo xaliyo markaan ka fiirino sababaha aan kor kusoo xusnay laakiin hadii la dadaalo allaahna fududeeyo waa laga guul gaari karaa waxayaalaha aan ku talin lahaa waxaa kamid ah:-

Ø Wax walba waxaa u ah fure maamul lagu kalsoonaan karo oo gobolku yeesho. Maamulkaasi maahan gudoomiye la iska soo magacaabo oo wax awoodi ihi aysan gacantiisa ku jirin . waa in dawlada dhexe geed dheer iyo mid hooseba u fuushaa qaabkii gudoomiyaha loo hoos keeni lahaa awooda dhaqaale iyo ciidan ee gobolka .sidoo kale waa in dawladu yeelataa ciidan ayada u madax banaan oo laga baxo ciidamada markay mushaarka qaadanayaan faraha badan marka loo baahdo hawl dawladnimona beeshooda ka amar qaata .

Ø Beelaha reer gaalkacyo waa inay fahmaan in mushkiladoodu ku xalismi karto dawladnimo dhab ah . waa inaysan garab istaagin dadka looga shakiyo la shaqaynta Alshabaab. Waana inay ogaadaan dadkoodii qiimaha badnaa markay laynayeen inuusan qofkaan beel iyo qaraabo midna uusan fiirin ee uu fududaynayey sidii loo fulin lahaa dilkaas.

Ø Bulsho wayntu waa inay fahmaan Alshabaab maahan urur islaami ah oo diinta ka shidaal qaata ee waa koox ganacsata dhiiga haldoorka umada, jiritaankooduna uu khatar ku yahay nolosha iyo nabad galyada umada soomaaliyeed.intii ku kadsoontay oo u raacday diin iyo jihaadna oo hala roorada run moodayna waa kuwaas hada ayagu gumaadaya waxna cayrsanaya.

Ø Dagaal walba qaabkuu kuu qabsado ayaa looga hortagaa sidaa awgeed kooxaha dilalkaan fuliyaa shaqadoodu waa shaqo sirdoon , waxaa kaliya oo looga hortagi kara in loo shaqeeyo qaab sirdoon. Waa in maamulku isku dayaa inuu dhexdooda ka samaysto dad xogta ka keena , wayna sahlan tahay maxaa yeelay dhamaan sirdoonada caalamiga ah iyo kuwa dawladuhuba dad bay ku dhex lee yihiin kaliya dhaqaale iyo xirfad bay u baahan tahay. Waa in dhamaan beelaha magaalada laga qoraa sirdoon isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan dadka guryaha kireeya, dilaalayda, cirtoogtaha, barakacayaasha, dadka dagan khadka cagaaran, taksiilayaasha IWM.

Ø Amniyaadka alshabaab heerkooda dabagalku aad buu u sareeyaa inta badana waxaa u shaqeeya dad aan loo malayn Karin gaar ahaan kuwa ka shaqeeya nabadsugida, booliska , madaxda dawlada , saraakiisha, gudiyada heerkoodu sareeyo ee gobolka, Qaar lacag bay ugu shaqeeyaan qaarna cabsi sidaa awgeed intaan hawshaan la galin waa in aad loo koobaa dadka hawshaan maamulaya lagana ilaaliyaa shirarka iyo meelaha publiga ah. Tusaale waxaa Gaalkacyo ka dhacday in shirkad kamida kuwa ganacsigu ku yaboohday dhaqaale wax looga qabto amniga magaalada . shirkaas waxaa joogay dad kooban oo u badan madaxda iyo odayaasha magaalada .laakiin waxyar kadib maareeyihii shirkada waxaa laga soo wacay lanmar koofur ah oo la leeyahay waa lagu dilayaa hadaadan ka noqon warkaas, waxaase ka darayd in maalmo kadib uu xafiiskiisa ugu yimid maareeyaha nin ka mida odayaasha magaalada oo ku leh hawshaas jooji hadii kale naftaada ayaad ku khamaaraysaa.

Ø Waa in la helaa dad khibrad u leh hawsha sirdoonka oo lagu kalsoonaan karo. Mida kale dawlada Puntland waa inay dibada u dirtaa dad soo qaata koorsooyin amni ah soona qaata tababaro sare kalana kaashataa dawladaha ay xiriirka lee yihiin . sidoo kale waa inay ka faaiidaysataa dadka khibrada leh oo ay tababaraan sirdoonka dawlada. Waa inay kaashataa dawlada federaalka wixii ay kala qaban karto.

Ø Waxaa jira dad badan oo ka tirsanaan jiray amniyaadka Alshabaab oo maanta kala carar ku jira maxaa yeelay dhibaatadii umada ay ku hayeen ayey isku hayaan sidaa awgeed waxaan ku talin lahaa in laga faaiidaysto kuwa firxadka ah.

Ø Shirkadaha teleefoonada iyo kuwa xawaadahaba xog baa laga heli karaa waxayse u baahan tahay farsamadii looga faaiidaysan lahaa.

Ø Odayaasha iyo waxgaradka iyo maamulka Galmudug waa in lala fariistaa lana xaliyaa waxyaalaha ay tabanayaan intii suurtagal ah, lagana shaqeeyaa sidii ay qayb uga noqon lahaayeen barnaamijka looga hortagayo dhiigyocabyada ayagoo ah maamul madax banaan. Lagana tanaasulaa islawaynanka iyo qabka beelaha mudug caanka ku yihiin lana garwaaqsadaa inta khadkaas cagaarani shaqaynayo amniyaatka Alshabaab waxay haystaa gabbaad adag oon xal loo heli Karin.

Ø Waa in la sameeyaa wacyi galin balaaran oo dadkoo dhan lagu hawl galinayo oo ay qayb ka yihiin dadka bulshadu qadariso sida culumada, isimada, ganacsatada IWM.

Ø Waa in la sameeyaa qorshe ku aadan sidii markiiba loola falgali lahaa markii dilku dhaco maxaa yeelay waxaan ognahay qolyahaani dilka ma fuliyaan ilaa ay xaqiiqsadaan 100% in gacan ku dhiigluhu badbaadayo,sidii aan ka faaiidaysanay filimkii laga duubay dhagarqabayaashii fuliyey dilkii Dr Ahmed Haji ugu yaraan waa in la helaa check points(isbaarooyin) aad u faro badan oo meelo kala duwan ku baahsan . iyo ciidan marwalba heegan ah oo hawshaas u taagan.

shiikh cali xuseen

shiikhali622@yahoo.com

=======================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Mucaaradka Faroole oo Gaas Wada Taageeraya

$
0
0
gaas

R/Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Cabdowali Gaas

Waxaa maalinta Jimcaha ah ee labada bisha August lagu wado inuu ka soo dego magaalada Gaalkacyo Cabdi-Wali Max’ed Cali Gaas, ra’iisal wasaarihii hore ee DFKMG ahayd, sida wararku sheegayaan socdaalka Gaas ayaa waxaa horay loogu qorsheeyay kulano ay isaga iyo xubno kale oo mucaaradka Puntland ah ay ku yeesheen dalka Imaaraadka Carabta oo u oday u ahaa Gen. Cadde Muuse.

Sida wararku sheegayaan, Cabdi-Wali Gaas oo isagu mucaaradka badankii isku raacsanyihiin inuu isagu noqdo ninka laga hor geynayo madax-weynaha Puntland Cabdi-Raxmaan Max’ed SHiikh oo kula tartamaya xilkaas, waxaana jirtay in shir ay horay isugu yimaadeen dalka Imaaraadka Carabta xubnaha ugu magaca dheer mucaaradka Puntland oo ay ka mid yihiin Gen. Cadde Muuse, Gen. Cabdullaahi Sacid Samatar, iyo Max’ed Cali Yuusuf (Gaagaab) iyo Cabdi-Wali Gaas, laysku af-gartay in kulan balaaran laysugu yimaado Puntland, hasa yeeshee ma cadda in kulankaas hadda qabsoomi doono iyo in kale.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole

Gaas ayaa lagu wadaa inuu magaalada Gaalkacyo kulanno kula qaato odayaasha dhaqanka ee gobolkaas iyo xubnaha dowladda Puntland ka soo hor jeedo ee halkaas ku sugan, waxaana la filayaa inuu u gudbo gobollad Karkaar iyo Bari isagoo isku dayay inuu taageero ka helo xubnaha kale ee mucaaradka Puntland ka tirsan laakiin aan ku jirin xulufadooda, waxaana jira warar isa soo taraya oo sheegaya in qayb ahaan xulufadii la socotay Cabdi-wali Gaas ay hadda walaacsanyihiin inuu ka guulaysan karo madax-weyne Cabdi-Raxmaan SHiikh Max’ed.

Xigasho:  Waayaha.net

Use Facebook to Comment on this Post

Share

DEG DEG:Qaraxyo Miino oo Muqdisho Goordhaweyd ka dhacay

$
0
0

deg degMuqdisho(RBC Radio) Qaraxyo ayaa goordhaweyd ka dhacay wadada Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho qaraxyada oo Labo qarax ahaa oo nuuca Miinada ah  ayaa midka hore waxa uu ka dhacay agagaarka wadada Shaqaala waxaana lasoo sheegayaa in qaraxa uu ahaa walxaha qarxa oo lagu sii xiray mid kamid ah Baallayaasha Nalalka Cadceedda ku shaqeeya ee ifiya wadadaas.

Wararka horu dhaca ah ee aan ka heleyno qaraxaas ayaa ku waraaya inuu geystay inta la xaqiijiyey dhaawaca hal ruux oo wadada marayey,ciiidamada booliska iyo nabad sugidda dowladda Soomaaliya oo goobta soo gaaray ayaa gabi ahaanba isku gaadamy isla markaane xiray nawaaxiga goobta  uu qaraxu ka dhacay.

Intii lagu Mashquulsanaa qaraxaas ayaa waxa uu qarax Labaad ka dhacay qayb kale oo kamid ah wadada Makka Al-mukarama gaar ahaan dhanka Tre Piano,waxaana lasoo sheegayaa in qaraxa kalane sidaas si lamid ah lagu qarxiyey Baallaha 59aad ee Baallayaasha ifiya magaalada ee Nalalka ku shaqeeya Cadceedda Qorraxda ee Soolarka.

Qaraxan ayaa isne lasoo sheegayaa inuu ku dhawaacamay hal Ruux,warka goobta laga heli karo ayaa adag kadib markii ay ciidamadu xireen goobta ay qaraxyadu ka dhaceen,qaraxyadan Miino ayaa waxaa sidoo kale ay dhibaato kasoo gaartay Baalayaashii la weeraray.

Maalmahan danbe ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka socday weeraro iyo qaraxyo loo geysanayey Nalaka Cadceedda ku shaqeeya.

Wixii kusoo kordha khasaaraha ka dhahsay  qaraxyada Miino ee Muqdisho ka dhacay kala soco Warbaahinta Raxanreeb.com

 

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Dabaylo xooggan oo ku dhuftay degmada Hobyo iyo dhul xeebeedka ku teedsan

$
0
0

hobyoHobyo(RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in magaaladaas iyo deegaanada xeebaha ah ee ku teeddsan iney ku dhufteen Dabaylo xooggan oo cabsi iyo wlaaac badan ku abuuray shacabka ku dhaqan goobahaasi,waxaana lasoo sheegayaa in shacabka magaalada Hobyo ay ka cararayaan magaalada si ay uga baxsadaan waxyeelo kasoo gaartay Dabaylahan xoogga badan ee ku dhuftay deegaanadaas.

Gudoomiyaha degmada Hobyo Xuseen  Salaad Wehliye oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay  in Dabaylaha xooggan ee ku dhuftay magaalada Hobyo iyo deegaanada ku xeeran iney dhalisay in badi shacabkii ku dhaqnaa goobahaas iney naftooda kala baxsadaan isla markaane ay ka qaxayaan dhulka xeebaha u dhow si ay uga badbaadaan waxyoolo ka dhalata Dabaylahan ku dhuftay deegaanadaas.

Gudoomiyaha degmada Hobyo ayaa ka dhawaajiyey in dadka ku dhaqan deegaanadaas ay ku jiraan khatar weyn sida uu sheegay,wuxuuna codsaday in gurmad lala soo gaaro shacabka demada Hobyo iyo deegaanada hoos yimaadda,gudoomiyaha ayaa xusay in shacabku ay bilaabeen iney ka hayaamaan goobahaas si ay naftooda ula baxsadaan.

Gudoomiye Xuseen Salaad wehliyey ayaa sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay Dabaylahan balse waxa uu tilmaamay in Dabaylaha nuucan ahi ay tahay arin ku cusub deegaanka oo aan hore usoo marin,Dabaylahan ayaa kusoo beegmay xilli shacabka magaalada Hobyo ay u diyaar garoobayeen xuska sanad guurada 7aad ee aas aaska maamul goboleedka Galmudug State.

 

 

 

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Viewing all 7988 articles
Browse latest View live